Wargeysyaddii Dawladda Sida Xirsitoday (Somalilandtoday) Oo Kuligood Ka Dhigay Danbi In Uu Jamaal Goob La Soo Istaago Suldaano….Jamaal Cali Xuseen

0

Runtii Maqaalkan hoose ayaaba i difaacay oo intii aan odhan lahaaba yidhi. Waxaan arkaayey qolooyinkii xukuumadda ka tirsan sida wasiir ku xigeenaddii, xildhibaan kulmiye ah iyo weliba wargeysyaddii dawladda sida Xirsitoday (somalilandtoday) oo kuligood ka dhigay danbi in uu Jamaal goob la soo istaago Suldaano iyo waxgarad kale oo ay isku hayb yihiin oo ka cabanaaya Salaadiin la xidhay. u

Horta goormay danbi noqotay in aan Suldaankayga la istaago oo arrimo xaqdaro ah oo aanu madax dhaqameedyo kale oo la xidhay u doodno? haddaa ma dad kale ayaan la istaagi lahaa hadaanan la joogin dadkii dhibaataddu ku dhacday sida aan marwalba sameeyo ee dadka kale ee dhibaataddu ku dhacdaba aan ula qaybsado dhibka hadday tahay hooyooyin iyo dhalinyaraba.

Beelaha Somaliland oo dhan in badan baan dhibaatooyinkooda ka hadlay.

Maxaa keenay in qabyaalad laga dhex arko in aan Suldaankayga Guud goob la soo istaago. Siilaanyo miyaanu ahayn ninkii shirkii Garadag ka qayb galay ee beeshiisa si gaar ah ula soo shiray ee ay weliba intan i dhaleecaynaysaa ay sacabka u tumaysay ee ay Somaliland ku dooratay. Maalintii dhaweyd sawkuwii wasiiradda dawladdu beelahooda dhex fadhiyey.

Tollow maxay jariiradda Xirsitoday(Somalilandtoday) ay arrinkaasi qalad ugu qaadan weyday. Hadda anigu reerkayga shirarkoodii oo dhan maan tegin, halka siyaasiyinta Kulmiye ilaa madaxweynahu uu kooddii tegay.

Alleyle maqaalkan hoose ee iftiimiyey ayaaba cinwaankiisu isoo jiitay; ” Waaba Qabyaaladdii oo Cabanaysa!” Salaadiinta aan u doodayna reero kalena waa ku dhex jireen oo Boqor Raabi baaba ku jiray; dad la xidhayna waa ka hadlaynay.

Malaha waxaaba haboon in aynu soo dhigno ilaa inta shir qabyaaladeed ee ay xukuumaddani ka qayb gashay; waar ileyn dad aan xumaantooda arkeynin oo markay waxay kaa sheegaan waayaan ku meeraysanaya arrimo yaryar.

Adeer hawshu waydinku socotaaye waa inoo hawlaha Haamaha iyo boobka iyo halkaad shicibka isla martaan. Taasaa u baahan in laga hadlo,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here