Wargeyska Ogaal Oo Faahfaahin Ka Bixiyay Dacwado Loo Haysto

0

Maanta waxa maamulka wargeyska Ogaal hor tegay maxkamadda gobolka Hargeysa, kadib markii maxkamdu u yeedhay. Gudoomiyaha maxkamaddu wuxuu ku wargeliyay in dacwad loo haysto, isla markaana ay u diyaar garoobaan siday isu difaaci lahaayeen marka eeddo soo gaadho qareenadda wargeyska. gudoomiyaha wargeyskuna wuxuu u mahad celiyay maxkamadda. dhanka kalena wargeysku wuxuu diyaar u yahay inuu isdifaaco, kalsooni buuxdana wuu isku qabaa. keliya wuxuu u baahan yahay xeerbeegti dubaha xaqsoorkoodu aanuu ka cabsanin awoodda cidda aanu is hayno. Inkastoo Garyaqaan Aadan Xaaji Cali intii uu hayay xilka maxkamadda sare oo koobnayd la tilmaamayo talaabooyin uu u qaaday dhinaca soo noolaynta garsoor la isku halayn karo, sida in meesha laga saaro in qofka la iska xidho, haddana, haddana intaa lafteeda waxa loo arkaa in aanuu ku dhibaato la,ayn. hase yeeshee, talaabada wanaagsan ee la qaadaa waxay u baahantay dhiirigelin, si maalinta dambena mid loo qaadi karo. Waayo, garsoor dhab ah la gaadhi maayo inta waaxda garsoorku ay u garba duuban tahay waaxda fulinta ee madax banaanideedu magan u tahay wasiir Madaxweyne magacaabay.

11049638_966731176706563_5914830658517751748_n
laakiin, haddii aan la quusan oo la taageero ka dadaalaya waa la gaadhi aakhirka. insha alaah, waa inoo farriimo kale iyo wixii ka soo kordha kiiska, marka eeddayntu soo gaadho qareenadda Ogaal.

Muse Jambir Farah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here