Warbixin: Wasiirka Duulista Hawada Oo Waji Gabax Kala Kulmay Isku Day Shir Doceed Uu Beesha Bariga Burco Kaga Codsanayay Jagada Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE

0

Wasiirka Wasaaradda Duulista Maxamud Xaashi Cabdi ayaa habeenkii Axada ee bishu ahayd 2/08/2015 martiqaad casho ah ku dalbaday inuu kula kulmo Qurbajooga Habarjeclo iyo waxgaradka ku sugan caasimada Hargeysa isagoo ka faaidaysanayey maqnaanshaha Madaxweynaha iyo weftigiisu kaga maqnaayeen Hargeysa si uu uga dhaadhiciyo fikir uu watay oo uu ku doonayo inuu Musharaxnimada Xisbiga Kulmiye ugu ololeeyo Mujahid Muuse Biixi Cabdi, islamarkaana uu ku bedesho in isagana uu noqdo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Muse Biixi ka dib.

Inkasta oo ay xubno u ololaynayey wasiir Maxamud Xaashi ay isku dayeen inay hor geeyaan Wasiirka xubno badan oo miisaan culus ku Leh beesha dhexdeeda hadana kulankaasi wuxuu ku soo afmeermay fashil iyo weji gabax uu wasiirku kala kulmay ka dib markii wax garadka beesha ee fahansanaa sida wax u socdaan iyo ujedoyinka uu wasiirku watay ay ka soo xaadiri waayeen Isla markaana ay goobta soo camiren dhalinyaro aan la socon wacyiga jira, dhinaca kalena xubnihii odayasha ahaa ee tegay qaarkood ay si adag ula hadlay Maxamuud Xaashi Cabdi, Xubnihii odayaasha kooban aha waxay Wasiir Duulista xasuusiyeen meeqamka uu beesha Dhexdeeda ka taaganyahay, iyagoo la yaab ka muujiyay damaciisan hadda oo ay ku tilmaameen mid dhoobo eri ah.

Qodobadii lagagaga tiraabay shirkaas dhicisoobay ayaa ay kamid ahaayeen in Wax garadka Beesha Hbarjeclo ay ka go’antahay inay qiimeeyaan masuul kasta wixii uu deeganka u qabtay mudadii uu xilka hayey iyo sumcada hoggaamineed ee uu bulshada dhexdeeda iyo deegaankaba ku leeyahay.

Sidaa darteed waxa Wasiirka loo cadeyay inay Beeshu ka ballaadhantahay in wax lagaga saxeexo kulan dhoobo eri ah Xili aan munaasibad ahayn, Mustaqbalka Xisbiga KULMIYE na aan loo afduubi Karin cid gaara iyo koox gooniya Maadaama oo uu yahay Xisbi Dumuquraadi ah, waxaa xusid mudanaa oo dadkii gobta tegey qaarkood dareen geliyey markii Wasiir Maxamuud Xaashi ku yidhi waxaan casumadan kaga masuul ahay oo ii igmaday Madaxweynaha iyo Xukuumadda taasoo macneheedu u ekaaday in Madaxweyne Siilaanyo Qorsheeyey sidii Muuse Biixi u noqon lahaa Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga haddii uu isagu tanaasulo, sidoo kalena uu Madaxweynuhu qabo oo olole ugu jiro dhaxalka Guddoomiyaha Xisbigana lagu wareejiyo Maxamuud Xaashi Cabdi.

Arrintaas oo siweyn loo hadal hayay wixii shirkaas ka danbeeyay waxay waxgarad badan oo beesha ahi rumaysan yihiin inay tahay Khidad uu Wasiirka Duulistu ku doonaayay in damaciisa iyo Fikirkiisu hirgalaan,balse aanay ahayn wax Madaxweynuhu qabo.Waxayse hadalka Wasiirka ka soo yeedhay Sumcad xumo ku yahay Madaxweynaha Qaranka oo aanay haboonayn in laga baahiyo fariimo aan jirin.

imageDhinaca kale tan iyo wakhtigii uu Wasiirka Arrimaha debadda Maxamed Biixi Yoonis uu shaaciyay inuu Xisbiga KULMIYE kula tartami doono Guddoomiyaha Xisbiga Muuse Biixi Cabdi waxaa tartankaas lagula soo gal galaanayay dhinaca Madaxweynaha iyo Beesha Habarjeclo, taas xubno Beesha ka tirsani doonayaan in arrinta u taala labada Siyaasi ee isku degaanka ah lagu kala dilo Beesha Habarjeclo oo arrintaasi aanay khusaynin, halkii lagu kala bixi laha Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga oo iyagu xaq u leh go’aan ka gadhista Musharaxa Xisbiga Matalaaya haddii Mdaxweynuhu ka tanaasulo damaciisa. Si kastaba ha ahaate qorshihii Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi ee xalay wuxuu fariin cad u aha Minqiyaaska Miisan ee uu ku dhexleeyahay Beesha Habarjeclo oo ay si weyn u kala fogaadeen muddadii uu Xilka hayay.

Siyaasi. Siciid Dirir Mireh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here