Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Xaaladda Kenya + Booliska Oo Hadlay

0
205

Booliiska dalka Kenya ayaa beeniyay in saraakiil ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee NASA markii ay socotay xaflada dhaarta Raila Odinga ay xabsi guri  ku jireen.

afhayeen u hadlay ciidamada Booliiska ee dalka Kenya Charles Owino ayaa sheegay in aanu  waxba kala socon wararkaasi isla markaana uu u wardoon tagi doono xarunta ciidamada booliska dalka Kenya “Maaha Wax run ah, kumana jiro xabsi guri” ayuu si kooban u yidhi afhayeenka u hadlay ciidamada booliska ee dalka Kenya.

mar la waydiiyay bal sababta Kalonzo Musyoka, Musalia Mudavadi and Moses Wetang’ula hadii aanay ku jirin xabsi guri ay uga soo qayb geli waayeen xafladda caleemo saarka waxa uu ku jawaabay “Anigu Kama warqabo, manaan arag ciidamo booliis ah gurigiisa joogay, laakiin waxa aan isku dayi doonaa in marka aan dib ugu laabto xafiiska in aan ee aan la xidhiidho xukuumadda in aan war sugan ka soo helo” ayuu yidhi

Xiisada Siyaasadeed ee wadanka Kenya ayaa waji kale gashay, waxaana iminka dalkaasi ka jira labada madaxweyne.

dadka kala duwan ee dalkaasi u dhashay ayaa laba garab iyana u kala jabay, waxaanay kala taageersan yihiin madaxweyneyaasha wadankaasi.

si kastaba ha ahaatee lama saadaalin karo halka uu xaalku ku danbayn doono iyada oo ay beesha caalamkuna si dhaw ula socoto dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee wadanka kenya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here