Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Xaaladda Itoobiya iyo Midawga Yurub Oo War Ka Soo Saaray

0

Midawga Yurub ayaa ka digay xaaladda degdeg ah ee ay xukuumadda Itoobiya ku soo rogtay dalka, ka dib markii uu todobaadkii hore is casilay Ra’isal Wasaarihii wadankaasi.

Warsaxaafadeed uu xaalad wadanka Itoobiya ka soo saaray Midawga Yurub oo ay warbaahinta la wadaagtay Catherine Ray ayaa waxa ay ku sheegtay in aan loo dul qaadan karin xaaladda degdeg ah ee lagu soo rogay dalkaasi.

waxa ay ku baaqday in dhinacyadda siyaasaddu ay ka shiraan meesha looga guuri karo wakhtiga kala guurka ah ee uu dalkaasi galay.

sidoo kale warsaxaafadeedka midawga yurub lagu sheegay in looga baahan yahay xukuumadda wadanka Itoobiya in ay dhawrto xuquuqda aadamaha isla markaana aan la cabudhinin dareenka dadka shacabka ee u dhashay dalkaasi.

waxa kale oo ay midawga Yurub ku dardaareen shucuubta Itoobiya in ay ka dheeraadaan wixii khakhal keeni kara isla markaana laga wada shaqeeyo midnimadda dadyoowga u dhashay dalkaasi.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here