War Iskuma Hayaan Dhalinyaradda Somaliland Iyo Boobka Dalka Ka Socdaa:”….Jamaal Cali Xuseen

0

Hargeysa (Sagalnews) Murashaxa Jagada Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa uga digay xukuumadda Kulmiye in ay kala kulanto bulshada ay hogaaminayaan dhalinyaradu kacdoono.

waxa uu xusay in wakhtigan looga baahan yahay xukuumada talada haysa in ay bulshada u hambayso waxyaabaha gacanteeda ku hadhay.JAMAAL CALI XUSEEN

sidaasna waxa uu ku sheegay qoraal kooban oo uu soo dhigay bogga uu ku leeyahay facebookga, waxaana uu yidhi  “War Iskuma Hayaan dhalinyaradda Somaliland dareen kooda dhabta ah iyo odoyaasha Saleebaan hogaaminayo ee doonayo in ay mar kale dulmi Ugu hiiliyaan xukuumadda ku meel gaadhka ah ee Siilaanyo Oo doonaysa inay si badheedh ah u iibiyaan Dhamaan hantidii qarankani lahaa Oo imika la maraayo Haamihii keydka shidaalka ( national security). Xukuumaddan wakhtigeeddii dhaafay Walee war uma hayso cadhadda iyo dareenka dhabta ah ee dhalinyaradda Somaliland ee bilaa shaqada iyo bilaa rajadda ah ee ay hantidoodii ku takri falayso habeen iyo maalin si badheedh ah ay Inta Xukuumadda ugu sareeysaa ugu hor boobayso. Walee war la Iskuma hayo Oo wax badso wax beel bay dhashaaye; Waar yaa tollow u nasteexeeya Oo ku yidhaahda ” Waar dalka sidan ka daaya kolay if iyo aakhiraba waa seegteene” Markan kacdoon Dhalinyaro ayeey xukuumaddani Halis u tahaye bal Weynu eegi halkuu kibirkaasi la maro”

Sagalnews/Office

Hargeysa/Somaliland

Najaxcunaaye@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here