War Degdeg ah: Xoghayaha Arrimaha Gudaha UCID Oo Goor Dhaweyd La Sii Daayay

0

Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa goor dhaweyd dib u helay Xorriyadiisa.

Xoghayaha Warfaafinta Ee Xisbiga UCID Yuusuf Kayse Cabdilaahi ayaa sidaasi ku xaqiijiyay bogga uu ku leeyahay Degalka Facebookga, waxaana uu sheegay in xoghayaha lagu sii daayay damaanad.

xadhiga Xoghayaha arrimaha gudaha ee Xisbiga UCID ayaa markii la xidhay loo sheegay in loo haysto Eedaymo uu hore u jeediyay guddoomiyaha golaha Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax, hasayeeshee guddoomiyaha ayaa warbaahinta u sheegay in uu iska cafiyay Maxamuud cali saleebaan ramaaax.

si kastaba ha ahaatee Xukuumadda Soomaaliland ayaa eedaymo culus kala kulantay xadhiga Xoghayaha Guud ee Xisbiga UCID

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here