War Degdeg ah: Madaxweynihii Hore Ee Killilka Shanaad Oo La Qabtay

0
28914

Magaaladda Jigjiga ee xarunta Dawlad Deegaanka SOomaalida Ethiopia wararka laga helayo ayaa sheegaya in ciidamada Milatariga Ee Dawladda Federaalku ay gacanta ku soo dhigeen Madaxweynihii hore ee deegaankaasi Cabdi Maxamuud Cumar.

Warkan oo aanu ka helnay dad goob joogeyaal ah ayaa sheegaya  in qabashada cabdi maxamuud Cumar ay run tahay isla markaana aan la garanayn meel iminka uu ku sugan yahay.

Dhinaca kale Magaaladda Jigjiga ayaa amaankeeda waxa sugaya Milatariga Ciidamada Federaalka, waxaana iyaga oo ku hubaysan hubka noocyadiisa kala duwan ay gaaf wareegayaan jidadka Caasimadda.

Sidoo kale dadka deegaankaasi ayaa bilaabay in ay ka baxaan Magaaladda Jigjiga, iyada oo uu qof kasta afka saaray halka uu naftiisa la bidayo in ay amaan u  tahay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here