War degdeg Ah: Madaxweyne Shariif Oo is Casilay

0
75

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo goordhaw Warbaahinta kula hadlay Madaxtooyada magaalada Baydhabo ayaa shaaca ka qaaday in uu iska casilay Xilka Madaxweynenimo ee Koonfurgalbeed.

 

Shariif Xasan ayaa sheegay in uu sidoo kale ka tanaasulay in uu ka qeyb galo Doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo la qorsheeyay in ay qabsoonto 17-ka bishan November ee aynu ku jirno.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxa uu si KMG ah xilka ugu wareejiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo heynaya xilkaas inta ay ka dhaceyso doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here