War Degdeg ah: Madaxweynaha Deegaanka Oromia Oo Wafti U Soo Diray Somaliland + Qabanqaabada Soo Dhaweynta Oo Hargeysa Laga Dareemayo

0

Wafti balaadhan oo ka socda Dawlad Deegaanka Qoomiyadda Oromia ayaa la filayaa in ay goor dhaw ka soo degaan Garoonka Diyaaradaha ee Magaaladda Hargeysa.

Waftigan oo sida shabakada Wararka ee Sagalnews ay heshay uu soo diray Madaxweyne Deegaanka Oromia Lema Megersa ayaa lagu wadaa in soo dhaweyntiisa ka qayb galaan Wasiiro iyo Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somaliland.

In kasta oo aan la ogayn heerka waftigaasi ayaa inta ay ku sugan yihiin Magaaladda Hargeysa waxa ay kulamo la yeelan doonaan Madaxda Ugu saraysa Somaliland, kuwaas oo ay ka wada hadli doonaan sidii ay u bilaabi lahaayeen Xidhiidh cusub oo dhex mara Somaliland iyo deegaanka Oromia.

Madaxweynaha Deegaankaasi Lema Magersa ayaa khudbad uu dhawaan jeediyay waxa uu ku sheegay in ay isu diyaarinayaan sidii ay xidhiidh cusub ula yeelan lahaayeen Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here