Walaalkaa Quudi Bisha Ramadaan

0

Inaga oo ka duulayna walaalnimada iyo isku duubnaanta Islaamku ina faray. Inaga oo gudanayna waajibka inaga saaran inteenna baahan. Inaga oo isku tashanayna oo istaakuleynayna. Innaga oo ka faa’idaysanayna khayrka bisha barakaysan ee Ramadaan ee foodda inagu soo haysa, aynnu dhammaan ka qayb qaadanno Olalaha Quudinta Qoysaska Baahan.

Haddii aanad ka werwerayn bisha Ramadaan wixii aad quudan lahayd, haddii aanad walaac ka qabin Af-fur, casho iyo suxuur toonna, ogow waxa inala nool oo inagu dhex nool boqolaal aan haysan wax ay bisha Ramadaan kaga baxaan, waxa ina la nool agoon iyo carruur baahan, waxa ina la nool dad da’ ah iyo dad aan xuskoodu dhammayn oo aan soon lagu lahayn, waxa inala nool Hooyooyin iyo Aabbayaal goblan ah ama aan ubad lahayn itaalna aan hayn, waxa ina la nool oo inagu dhex nool dad laxaadka naafo ka ah.

Annaga oo ah dhallinyaro isu xilqaantay caawinta qoysas si dhab ah aannu u xaqiijinnay baahidooda, xogna ka hayna xaalka ay ku suganyihiin isla markaana mudan in loo kaco oo la taakuleeyo waxa aannu qof kasta ka codsanaynaa in uu ku kaalmeeyo wixii uu hayo.

Yoolkayagu waa ugu yaraan 200 oo qoys iyo wixii ka badan, waxana aannu gaadhsiin doonnaa qoys kasta waxii ay kaga bixi karaan bisha Ramadan sida ku cad sawirka hoose.

1$, 3$, 5$, 10$ iyo wixii aad shiling ku bixin karto iyo wax kasta oo aad kari karto ugu deeq oo ku dir #Zaad: 4755577 ama #eDahab: 654755577 si aanu u gaadhsiinno walaalaheenna baahan.
Haddii aad dibadda joogto oo aad xawaalad ku soo dirayso waxa aad ku soo qori kartaa Quudinta Qoysaska Baahan iyo numberkan +252-63-4755577

FG: Dhammaan dhaqdhaqaayada xisaabaha iyo sida ay wax u socdaanba waanu idinla wadaagi doonnaa.

Alle ha ku barakeeyo oo hakaa abaaliyo.

Fadlan sii faafi “Share” una yeedh”Mention” ciddii aad jeceshahay in ay nagala qayb qaadato khayrka.

#QuudintaQoysaskaBaahan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here