WADAHADALADA SOMALILAND IYO SOMALIA

0

 

Wadahadaladan hadba warbaahinta doc u walwaalaysaa waxay toos uga hor imanayaan aftidii aayo ka tashiga iyo
lifaaqii distoorka Qaranka Somalilalnd ee Bishi May 31st 2001. Ayadoo la tixgelinayo codsigii beesha caalamka,
sidaas ayeynu kaga qayb galnay shirkii SHIRKII LONDON EE SOOMAALIDA EE FEBRUARY 23dii, 2012. Tiraba shan
jeer oo dambe ayaa madal wadahadal labada dhinac isku horfadhiisteen. Mar haddii go’aamadi shanta kualn ay
noqdeen hal bacaad lagu lisay oon Soomaali marnaba daacad ka ahayn in magacii la odhan jirey ‘Jamhuuriyadda
Soomaaliyeed’ in wanaag loogu kala baxo, waxa lagama maarmaan noqonaysa in qorshahaa laga hayaamo, loona
Digorogto:

1. Qorshaha B, hadduu shaqayn waayoo, waxa loo digorogan ;
2. Qorshaha C, hadduu hirgeliwaayo, waxa loo hayaami;
3. Qorshaha D, hadduu hashkadeeyo, waxa la sahamin;
4. Qorshaha E,

Sida ku cad war murtiyeedkii ka soo baxay shirkii Soomaalida beesha caalamku ugu qabatay magaalada London
Bishii February 23, 2012, Qodobka 6 ee go’aamada shirka aya qeexaya” in beesha caalamku aqoonsato in
la isbarbartaago wadahadalo dhexmara SOMALILAND IYO xukuumadda federaalka ku meel gaadhka ah
ama hadba ciddii bedesha si ay u caddeeyaan mustaqbalka cilaaqaadkooda”.

Warku wuu cadyahay- Waa laba geesood.Ujeedadu waxa weeye laba dal ayaa wada hadlaya. Madasha waxa
goobjoog ka aha 55 ergo oo beesha caalamka wakiilo ka ahaa. Xukuumadda federaalka ku meel-gaadhka ah
iyo hadba ciddii bedesha ayaa qaabkay doonto wadahadalada u maamulaysa go’aamadii shirka meelna kagamay jirin.
Yaryarka hadda horjoogayaasha ka waxa lagu magacaabo ‘Jamhuuradda Federaalka Soomaaliya’ aragtidoodu
waxay taagantahay dib-u-heshiisiin, dhab-u-heshiisiin, tabasho iyo turxaan bixin,iyo midnimo soomaaliyeed!
Kuwa bedelidoonaana waa habkaa iyo wax ka sii liita. Halkaa markuu xaal taaganyahay ma mudantahay in wakhti
Lagu lumi? Wadahadal daayo in sheekada lasoo hadal qaado ayaaba Somaliland laf-jab ku ah.

WAA AYO CIDDA WADAHADLAYSAA?

Bal aynu iswediino cidda wadahadlaysa, qaabka loo wadahadlayo, goobta lagu wadahadlayo, iyo waxa laga wadahadlayo?
Haddaynu dib u qiimayno sooyaalka wadahadalada Somaliland iyo Somalia waxa cad in aanay marnaba sheekadu ku koobnayn
laba dal oo wadahadlaya bal se ay meesha ku jiraan gacmo shisheeye oo dano gaar ah ka lihi in ay daaha dabadiisa ka riixayaan.
Waxa kale oo caddaatay in aan Soomaali koonfureed ama dir Walayweyn aanay weli u qudhqudhsamin in magac u yaal beri la
odhan jiray Somalia in uu haligmay oo laga hayaamay isagoon markiisa horeba dhalashadiisu waafiqi weyday xeerarka caalamiga
ee dunida lagaga dhaqmo.

IMISA JEER AYAA LA WADAHADLAY?

Tiroba lix jeer ayaa Somaliland iyo Somalia kulmeen sida hoos ku xusan:

1. London Conference on Somalia, Lancaster House February 23rd 2012; Chevening House Declaration, June 21st 2012;
2. Dubai Statement, June 28th 2012;
3. Ankara communique, April 13th 2013;
4. Final Communique of the Somaliland and Somalia Dialogue Held in Istanbul, 7th -9th July, 2013;
5. Istanbul II Communique, 19th February, 2014;
6. Djibouti Agreement, 21st December, 2014.

Mar hadday caddaaatay in aan Soomaali Konfureed sinaba daacad uga ahayn, meesha ma taal sabab sheekadan loo sii wadaa. Aragtida, caqliyadda, iyo
Walaweyn garshadeed waxba inooguma dhin. Horjooga xamar ee lagu ilaaliyo Villa Wardhiigle isaga caabuq dillaa ah ayaa ku habsaday- Maba qarsado oo wa kan goob walba la soo taagan: “Haddee qaantii reer adoogay Ayaan raadkeedii ku job.” Intii qormadan akridaay yarkan qaanta ka maqan iyo ciday ku maqantahay ha ku igaga masuugina.

Axmed Cali Ibrahiim Sabeyse
May 3rd, 2020.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here