“Wada Hadalkii Somaliland Dib Ayaan U Bilaabaynaa” Madaxweynaha Somalia

0
513

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi (Farmaajo) ayaa si dadban uga hadlay heshiiska Dekeda Berbera ee saddex geesoodka ahaa.

Waxa uu dhinaca kale Xusay in ay dib ubilaabi doonaan wada hadalkii ay kula jireen soomaaliland.

Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa sidaasi ka sheegay mar uu maanta khudbad ka jeedinayay furitaanka kalfadhigii saddexaad ee baarlamaanka soomaaliya.

Waxaana hadaladiisii ka mid ahaaa “Soomaaliya waxa ay diyaar u tahay maal gashi ay la wadaagto wadamada caalamka, si kastaba ha ahaatee cid kasta oo doonaysa in ay maal gashi la wadaagto soomaaliya waa in ay ogolaanshiiyo ka hesho hay’addaha dastuuriga ah, waxa aan uga digayaa wadamada iyo shirkadadaha shisheeye in aanay ku xad gudbi Karin qaranimada somaliya.

Waa dhab in aan xaalad adag ku jirno, waa dhab in aan duruufo adag ku jirno, dadka soomaaliyeed duruuf kasta oo ay kujiraan waa dad aaminsan in ay difaacaan dalkooda, mana ogolaanayaan in hal taako oo dhulkooda ka mid ahi uu sharci darro ku baxo.

Xidhiidhka aan la leenahay wadamada darisku waa  mid ku salaysan ishkaashi iyo xidhiidh wanaagsan, waxa aan socdaalo ku tagay wadamada jaarka, waxaanan ka wada hadlanay sidii wada jir looga hawl geli lahaa wada jirka.

Waxa aanu ku guulaysanay soo celin boqolaal dhalinyaro ah oo ku jiray xabsiyo shisheeye, sida Libya, india, Ethiopia iyo sishilis, qaar kalena waanu ku dabo jirnaa” ayuu yidhi

Waxa uu intaasi ku daray oo uu ka hadlay wada hadalada Somaliland iyo soomaaliya, waxaanu yidhi  “Waxa aanu dhawaan bilaabi doonaa wada hadaladii Somaliland, waxaana ujeedadoodu ay tahay sidii loogu horseedi lahaa dadka soomaaliyeed nolol wanaagsan

Wixii khilaaf ahna waxa aanu ku dhamayn doonaa miiska dushiisa, hadii alle idmo” ayuu yidhi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here