Waa Maxay Qoraalka Qabyada ah Ee Ay Ku Heshiiyeen Midowga Yurub iyo UK

0

Midowga Yurub iyo UK ayaa waxay ku heshiiyeen qoraal qabyo ah taasi oo ku saabsan xiriirka ay mustaqbalka yeelan doonaan labada dhinac.

Arrintan ayaa waddada u xaaraysa in la soo gabagabeeyo heshiiska ka bixitaan Britain ee midowga Yurub dabayaaqada toddobaadkan.

Heshiikani qabyada ah ayaa qeexaya qaabka ay u shaqaynayaan arrimaha ganacsiga,ammaanka iyo arrimaha kale ee xasaasiga ah.

Golaha midowga Yurub ayaa waxay sheegeen arrimahani “mab’da ahaan loogu heshiiyay ” Rai’sul wasaaraha Britain Theresa May ayaa lagu wadaa in maanta galinka dambe ay hadal ka jeediso baarlamaanka, Waqtiga kama dambeysta ah ee Britan kaga baxayso Midowga Yurub ayaa ku eg 29 March 2019.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here