“Waa La Jidh Dilay Wiilkaygii” Hooyada Dhashay Madaxweynihii Hore ee Deegaanka Soomaalida

0
297

Hooyo Deeb Mahad Colow oo ah hooyada dhashay Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa waxa ay sheegtay in wiilkeeda lagu jir dilay xabsi ku yaalla magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Hooyadan oo la soo xiriirtay Tv-ga Universal, ayaa waxa ay sheegtay iyada iyo xaaska uu qabo Cabdi Maxamed Cumar inay raashin ugu qaadeen xabsiga, balse markii ay tageen xabsiga ay la kulmeen dhacdo murugo badan.

Waxa ay sheegtay inay aragtay wiilkeeda oo ay jirdilayaan ciidamo xabsiga ku sugan islamarkaana ay garacayaan rag gaaraya sideed ruux sida ay hadalka u dhigtay.

” Anaga oo arkeyno ayay 30 Jaranjaro ka soo tuureen aad ayuu u qeylinayey oo wuxuu lahaa tol la’ayee tol la’ayee,kadib weey nasoo eryeen,sidii meyd ayay jiidayeen markii noogu dambeysay ” ayay tiri hooyada dhashay Madaxweynihii hore ee Deegaanka Soomaalida.

Waxa ay sheegtay inay qaylisay iyada iyo xaaska Cabdi Maxamuud Cumar oo wada socda, islamarkaana raggii xabsiga haystay ay soo eryadeen, sidoo kale waxa ay tilmaamtay in dhulka madaxa looga garaacay Cabdi Maxamuud Cumar, xittaa uu gabay codkii taaha ahaa ee xanuunka.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa 27-kii August ee sanadkan lagu xiray xabsi ku yaalla magaalada Addis Ababa, kadib markii gurigiisa ay ka soo kaxeeyeen ciidanka Itoobiya, eedeymaha loo heysto waxaa ka mid ah dhibaatooyin loo geystay dad shacab ah.

Universaltv

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here