Waa kuma Hogaamiyaha Mustaqbalka Jamhuuriyada Somaliland..?

0

Dhamaan salaan qaayo leh iga gudooma dadweynaha Somaliland meel kastoo aad aduunyada ka joogtaan, waxaan salaan taasi lamida u dirayaa dhamaan warbaahinta xorta ee sida caafimaadka qabta usoo tabisa afkaarta dadweynaha waanad ku mahadsan tihiin.

Displaying xirsi-cali.jpg

Su,aashan  waa mid qofkastaaba si wacan oo cilmiyeysan isu waydiin karo  waana su,aal qofkasta maankisa iyo garaadkiisa ka guuxaysa, xilka qaranka ayey dabeeciisa tahay  qori isu dhiib maalinba nin meel soo gaadhsiiyo , Somaliland waxaa maanta  Hogaanka haya Madaxweynihii 4-aad oo ah Madaxweynihii labaad eek u yimi cod shacab, Waxaana la filayaa sanadka 2017 inay Somaliland ka dhacaan doorashooyin xor oo xalaal ah, waxaana doorashadaasi la filayaa iany dhacdo markii labaad ee Somaliland si cod ah lagu soo doorto Baarlamaanka .

Hadaan usoo gonad dego su,aasha ah Waa Kuma Hogaamiyaha Mustaqbalka Somaliland qofkastaaba dereenkiisa iyo rayigiiusuba wuxuu siinayaa cida uu isagu markaa isleeyahay Xilkaasi waa hanan kartaa waana qaban kartaa, hasa ahaatee guud ahaan markaan siyaasiyiinta Somaliland sidaa u eegno qabashada xilka Madaxweyne siilaanyo dabadii, Hadaba markaan iska dhaafka qabyaalada iyo nin jeclaysiga ee aan si fiican oo caafimaad qabta u derisno su,aashaasi islamarkaana aan dhaafno dalka shalay nin reer hebelaa soo hogaaminayee berina reer hebel haloo dhiibo balse ay  duldhigno caqliga iyo rayiga ah Dalka yaa hanan kara oo halka uu maanta jooga kasii qaadi kara dadka reer Somaliland  bari ilaa galeed isku hayn kara ?  xaaladu waa ka duwanaanaysaa jawaabtii markii hore laga bixiyey, waxaana wakhti qaadanaysa inta ay maskaxdaadu soo xulayso.

Hadii aan jawaabtaasi daboolka ka qaado islamarkaana aan si wacan u derso  anoo aan eegayn  nin jeclaysi qabyaalad ninkasta oo reer Somaliland oo maanta leh hansiyaasadeedna aan dersay taariikhdiisa iyo waxa laga filo karo hadii uu hogaanka dalka qabto intaas iyo in badan oo kale markii aan dersay  dalkaasi waxaan ku aamini lahaa oo aan maanta odhan karaa wax buu ka bedeli karaa dadkana waa isku hayn karaa wuxuuna abuuri karaa fikrado kana dhabayn karaa  ficilo badan badan oo dalkan horumar u ah, hadii aan shikhsigaasi ah Hogaamiye Mustaqbalka Jamhuuriyada somalland aan idin sheego  waa Xirsi Cali Xaaji Xasan oo hada ah Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo intii uu xilka hayey hirgelliyey himilooyin badan oo qaranka u horseeday yididiilo, shacabkana tusay inay wax qabsadan karayaa, Tani waa odhaah laga hayo Xirsi cali xaaji xasan”  Adoo ceelka qodan kara haw cabanin Qeyrkaa”

Katida dadaalka iyo haybada waa wax alle bixiyo,  shikhsiyada Xirsi cali xaaji xasan intaan ka aqaano waa shakhsi wanaagsan  oo leh dadnimo iyo diin intaba kuna sifoobay  daacadnimo iyo inuu u hagar baxo danta qaranka, intaan ka arkay wuxuu leeyahay  asmaaha lagu garto hogaamiyaha, dad ayaa ka aaminsan qabyaaladi base sidaan ka arkay maaha qabyaali waa nin ay dadku u siman yihiin halkaad kusoo gaadho salaanta kaa qaadaya ku dhegaysanaaya kula hadlaaya si wacan ku qancinaaya, ku siinaya talo aad arkayso inuu daynaynaayo wanaaga iyo maslaxada qaranka qofka sidaaas oo kale wuxuu mudan yahay in abaal gud looga dhigo inuu hogaamiyo qaranka waana hubaal hadii uu qabto majaraha Somaliland inay meel gaadhayso ayna dhaboobayaan himilooyin badan oo aynu higsanayno, waxaan leeyahay aynu iska saarno qabyaalada qaranka aynu u doorano cid jecel horumarkiisa oo wadi karta gaadhsiin karta halka lala doonaayo .

FG: Hadii ay maankaaga iyo maskaxdaada ku jirto inuu qoraalkaygu ku taxalugu qabyaalad iyo nin jeclaysi taas maxkadaada ka saar, waxaan ka hadlay oo keliya aragtida aaminaada aan xirsi ka aaminsanahay  adigu waad diidi kartaa balse anigu fekerkayga iyo aragtidada xor baan u ahay.

 

 Cali Xasan

calixasan806@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here