“Waa inuu qalbiga qofku raali ku yahay qadarka iyo qorshaha Alle, oo aanu ka cabanin” Sheekh Dirir

0
106

Sheekh Maxamed Sh Cumar Dirir ayaa sheegay in qofka ama ummadu hadday waxuu Ilaahay siiyey eegi waayaan ama ku qanci waayaan, Ilaahay bay ka cabanayaan ayey ka dhigan tahay.

Sheekh Maxamed oo khudbadii Jimcaha Maanta kaga hadlayey faa’iidooyinka in qofku ku kalsoonaado waxa Ilaahay siiyey ayaa ku bilaabay:

“Waxyaalaha qofka ku keena inuu ilaawo aakhiro wax aka mid ah qanaaco la’aanta, isagoon ku kaaftoomin, oon iimaansan waxa Ilaahay siiyey SW. Qacaano la’aantu waa dhib badan oo casrigan haysta Muslimiinta, ee ay kaga duwan yihiin salafkoodii iyo dadkii casrigii hore joogay ee Saalaxiinta ahaa. Qacaano la’aantu waxay keentay in Odeyga iyo Islaantu is-qabsadaan oo waxa Qoysku helay ku qanci waayaan. Waxay keentay markii Ubadka lagu taribaydayn waayey qanaacana, inay eegaan waxa Inna-hebel iyo Inna-hebaalo yastaan ama Gaaladu haystaan, ka dibna ay Tahriibaan. Qanaaco la’aantu waa Cudur weyn oo kalsoonida ka qaada dadka oo Xassadka iyo Xiqdiga ku abuura.

Sheekh Maxamed oo tafaasiil ka bixinayey waxa Culimada islaamku ku sheegeen markii ay fasirayeen waxa Qanaacanu tahay, waxuu yidhi,

“Qofku inuu ku kaaftoomo oo iimaansado waxa Ilaahay u qaddaray ee uu siiyey, anfaca aduunyada, si kale hadii loo dhigo, Qofku waxa agtiisa yaala inuu ku maarmo, waxa aanu hayna aanu iska daba-ridin, hadduu u yimaadana uu arko, hadii kalena aanu u waalanin. Si kale xalaasha agtiisa taala uu ku qanco, Xaaraanta meelaha taaltaala ama qof kale uu ku dhergeyna aanu sii eegeegin. Waa inuu qalbiga qofku raali ku yahay qadarka iyo qorshaha Alle, oo aanu ka cabanin, ama ka cadhoonin waxii Ilaahay uu siiyey Qof iyo Ummadba.

Sheekh Maxamed ayaa sheegay maadama aynu aragnay muhiimada Qanaacadu leedahay inay jiraan shuruudo la’aanteed aanay suurtagelayn waxaanu yidhi isagoo faahfaahinaya,

“dadku inay ku qancaan in Ilaahay yahay ka arsaaqada bixiya ee wax qorsheeya, sidaa daraadeed qofka ama ummadu hadday waxuu Ilaahay siiyey eegi waayaan ama ku qanci waayaan, Ilaahay bay ka cabanayaan ayey ka dhigan tahay.Nebigu CSW tallo ayuu siiyey ummadu sidii ay u afdhigi lahaayeen, xadiis macnahiisu ahaa “Waar dadyahow, Ilaahay ka cabsada oo arsaaqada kollay waad helaysaane si xalaal ah u raadiya, ogaadana qofna inaanu dhimanayn ilaa waxii Ilaahay ugu tallo galay uu helo. Saxaabiga Caamir inu Qays (Ilaahay ha u naxariistee) Afar aayadood oo Quraanka ah markaan akhriyo waan ku degaan Qanaacaad ayaan ka helaa. Ilayn Quraanka iyo daliilka markuu qofku akhiryo ayey wax badan u baxaane. Ilaahay  waxuu yidhi, “Waxii Ilaahay dadka uu siiyo, arsaaqad, raxmad iyo deeq ah, cid ka celin karta ma jirto, waxuu Ilaahay hakiyo ee cid ka joojiyana, cid u furi karta ma jirto.’ Dee arrintuba gacanta Ilaahay ayey ku uruursan tahee, maxaan u cadhoon ee cid kale u eegi. Mar kale Ilaahay waxuu yidhi,  “Hadii Ilaahay khayr kula doono cid kaa celin karta ma jirto.” Aayada saddexaad waxa weeye, “Inta dhib idin haysato ka dib, Ilaahay fudeyd ayuu idin siin doonaa,” Aayada afaraadna waxa weeye, “wax ala waxaa xawayaan dhulka ku dul nool arsaaqadooda Ilaahay baa haya”

Waxyaalaha innaga saacidi kara Qanaacada ayuu sheegay Sheekh Maxamed inay ka mid yihiin,

“Inaynu aamino waxyaalaha Ilaahay ku kala duway dadka haynta aduunyada iyo dheeraadkeeda, oo xikmad Alle ah, xikmadaana Ilaahay Quraanka wuu ku caddeeyey, oo labaduba way imtixaanan yihiin, ka waxan laga qaadayna wuu imtixaanan yahay, oo sabir ayaa laga eegi, ka kalena, waxan loo dhiibayna wuu imtixaanan yahoo, inuu ku sabro oo aanu ku kibrin ayaa la eegi. “Dhib iyo dheef waxii idin soo mara waad ku imtixaanan tihiin” ayuu Ilaahay quraanka inoogu sheegay. Imtixaankaa su’aal ayaa ka dambaysa la eegayo dadku inay guulaystaan iyo inay fashilmaan.

Qanaacada dad ayaa xaqiijiyey noloshana tusaale wanaagsan ku ahaa, ugu horeeyo nebigeenii Maxamed CSW, ayuu sheegay Sheekh Maxamed, waxaanu yidhi,

“Waxba indhaha ha u taagin kuwaa gaaladu nimacad ay hayaan iyo kuwa iimaan laawayaashu, Laakiin arsaaqada Ilaahay kuu qoray ayaa daa’im ah oo Jannada ku helaysaa” ayuu Ilaahay Quraanka ku sheegay isagoo la hadlaya Nebiga CSW. Waa kuwa manta loo waashay, ee dadku leeyahiin wadamada horumaray, ee caruurteenii badda iyo berriga u sii jiidhayaan, si ay u gaadhaan wax ummado kale haystaan, burbur baa dhacay, damiirka, akhlaaqda iyo dhaqaalaha ah. Ducadii Nebiga CSW waxay ahayd, “Ilaahow waxaan kaa magan galay naf aan dhergayn,

Caa’isha (Ilaahay haka raali noqdee) waxay ku sheegaysaa xadiiskii saxeexa ahaa “laba bilood xilliyada qaar ayaan guriga Nebiga CSW dab lagu shidi jirin” (ma dhaco innaga, qaxooti karta iyo qaar gaajo ka qeylinaya, habeen iyo maalin wakhti uun baa dab lagu shidaa.) Maxaad ku noolaydeen ayuu yidhi ninkii waraysanayey, “Waxaanu ku noolayn ayey tidhi labada madmadow (Al-Aswadaan) Timir iyo Biyo” markii la weydiiyey Nebiga CSW waxuu ku jawaabay “Anniga iyo Aduunyada maxaanu isu sheegaynaa, waxaan ka dhiganahay, nin safar ah oo geed yara hadhgalay oo ka caraabaya, isku hawli maayo” innama laha Nebi Maxamed aduunyada ka taga, laakiin isagaa ka tegay.

Marka qanaacada la sheegayo qofka qaniga ah iyo ka faqiirka ah labaduba way u baahan yihiin, labadubana way waayi karaa, faqiir aan qanaacad lahayn iyo qanni aan qanaacad lahayn ayaa jira, cudurku labada wuu ku dhici karaa. La soco… 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here