Wa Maxay Sababta Shirarkan Anay Cadayn Ujeedkoodu e Gobolka Togdheer Kuso Badanaya?

0

Ma Hawl Yara In Burco Bartilmaamed Laga Dhigta.

Beryahan waxa (social media) ka socday shaacinta shirar madaxdhaqmeed iyo dhalinyaro kas aanay muuqan baahi lo qabo ama in shirar nocan ah iyo qarankani hada jiro 28 sano lagana so gudbay xaaladi 1991 iyo 1995,
Dalkan jamhuuriyada somaliland waxa ka jirta xukuumada aynu u daba fadhino ariimaha masiiriga kuna timi (one man one vote) rabitaanka shacabka,

WAXA SHACABKU IS WAYDINAYA SHIRARKAN YA WADA, XAGESE DABADA KU HAYA, UJEDADE KA DANBEYSA?

waxa ino wada muuqata inanay jirin baahi manta shir beleed lo qabo, horumarka dalka guud ahaan iyo gaar ahaan gobolka togdheer waxa ka masuul xukuumada manta talada dalka haysa iyada ayaana ku hawlan kor u qadida arimaha bulshada iyo masiirka shacabkeeda,

Waxad moda inay jirto dulaan siyaasi ah o qarankan laguso qaaday iyado laga abaarayo hogaanka dhaqanka iyo dhalinyarta, taasina waxay dhaawacaysa habsami socodka hanaanka dawladnimo hadaan xukuumada talada dalka haysa ku qaban gacan bir ah,

Waxa gobolka togdheer ka socda abaabul dhalinyar shir ku baqaysa taasina waxay dhiig bax ku tahay gedi socodka dimuqradiyada iyo hanan habsami socodka horumarka guud ahan dalka iyo gobolka togdheer,

Waxa qarrankan kaso gudbay nidaamka odayeynta iyado lo guray nimaadka asxaabta balse ujedada shirarkan laguso wariday gobolka togdheer wa mid an weli shacabku garan cida ka danbeysa iyo ujeedka laga leyahay,

Xukuumada talada dalka haysa waxan ugu baaqaya inay u dhug yelato shirarkan lagaga baaqayo gobolka togdheer,
Shirarkani waxay u muuqdan kicin shacab o lagaso maleegayo cadawgo jamhuuriyada somaliland,

Iyado aynu wada ogsonahay in dawlada aynu jaarka nahay e somalia ay u tafaxaydatay burburka iyo khalkhal gelinta horumarka somaliland.

Axmed Aadan Xaaji Maxamed
burco somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here