UK: Diyaarad Yar Oo Dadka Lagu Gaadhsiinayo Gargaarka Caafimaad

0

Diyaarad Yar oo ah nooca Loo Yaqaana Droneska ayaa Wadanka ingiriiska markii ugu horeysay ka bilawday ina y daawooyin iyo gargaaro degdeg ah gaadhsiiso cusbitaaladda ku yaala xeebaha koonfureed ee wadanka ingiriiska.

Dawladdu waxa ay damacsan tahay in ay soo saarto xeerar iyo shuruuc cusub oo la xidhiidha duulimaadyadda aan caadiga ahayn, kuwaas oo u ogolaanaya diyaaradaha aan duuliyaha lahayni in ay si nabad ah uga dhex shaqayn karaan hawadda wadanka ingiriiska.

Diyaaradahan yaryar ayaa sidoo kale daawooyin iyo gargaaro kaleba lagu gaadhsiin karaa meelaha go’doonka ee wadanka Ingiriiska.

Dalka ingiriiska ayaa ka mid ah meelaha uu sida xun u saameeyay cudurka covid 19, waxaana la wadaa qorsheyaal cusub oo loo dejinayo sidii loo taageeri lahaa dadka degan meelaha ka durugsan magaalooyinka waaweyn

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here