Uganda: Xildhibaan Ku Taliyay In Raggu Ay Garaacaan Xaasaskooda

0
264

Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Dawladda Uganda Ayaa ku taliyay in raggu ay garaaci karaan xaasaskooda.

Onesimus Twinamasiko oo u waramayay Telefishanka NTV  oo laga leeyahay dalka Uganda ayaa sheegay in arrintan uu uga gol Leeyahay si ay raggu xaasaskooda u edbin karaan ay qurux badan tahay in ay garaacaan ama dhangedeeyaan “Rag ahaan waxa aad u baahan tahay in aad edbiso xaaskaaga, markaa si ay taasi u suurto gasho waa in aad xaaskaaga soo yara qabataa, dabadeedna weerar ku qaad oo yara garaac” ayuu ku taliyay xildhibaankaas Ku jira Baarlamaanka wadanka Uganda.

Hadalka Xildhibaan Twinamasikotackle ayaa daba socday hadal hore uga soo yeedhay Madaxweynaha wadanka Uganda Yoweri Museveni, kaas oo uu wakhtigaasi ku yidhi “Nin kasta oo xaaskiisa garaacaa waa fulay”

Warbixin ay dawladdu soo saartayna waxa ay sheegtay in ay dumarka reer Uganda Ku qabaan raggooda jidh dil xoog leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here