Uganda Oo Dadkeeda U Qaybinaysa Maro Kaneecooyin

0

Wasaaradda caafimaadka dalka Uganda waxay sheegtay in hal milyan oo qof oo ku nool dalkaas uu ku dhacay cudurka Duumada labadii bilood ee lasoo dhaafay.

Saraakiisha dowladda waxay sheegeen in isticmaal la’aanta maro kaneecada iyo roobabkii mahiigaanka ee ka da’ya dalkaas bishii June ay horseedeen Duumada.

Waxay dowladda sheegtay in 38 milyan oo maro kaneeca ah ay u qeybiyeen shacabka dalkaas intii u dhexeeysay bishii Febraayo ee sannadkii 2017-kii iyo bishii Maarso ee sannadkii 2018-kii.

“Maro kaneecada waxaa la sameeyay saddexdii sanno ee lasoo dhaafay, nasiib darro waxaa jiro wax isdabo marin iyo qaar kamid ah Maro kaneecooyinka la lunsaday” ayuu yiri Jimmy Opigo oo ah ku-xigeenka guddoomiyaha laanta qaran ee la dagaalanka Duumada.

“Waxaan kaashaneynaa deeq bixiyeyaasha, laba bilaabo bisha Febraayo ee sannadka dambe waxaan shacabka u qeybineynaa mara kaneecooyin hor leh” ayuu yiri Jimmy.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here