U Nuglaanta COVID 19 IYO Weli Nabadda AFRIKA/Soomaaliya?

0

Illaa iyo hadda dhimmashada iyo soo dhiciduba waa hooseeyaan (Alxamdu lilaah) wadamo badan oo ah kuwa loo yaqaan (Sub-Saharan Africa) ama kuwa koonfur kaxiga saharaha wayn ayaa kiisas badan laga helay, wadamadaas oo ay ku jiraan Ethiopia iyo Kenya, oo ku xeeran gayiga Somalidu degto iyagana alxmdulilaah uguma qarxin sida ka socota adduunkii dhaqaalaha lahaa; Yurub, Marakaykan iyo Eeshiya.
Tani uma badna inay sii socondoonto, (meelo badan ayaa laga leeyahay) inaguna waxaan leenahay (illaa hadda Alxamdulilaah), mar waxaa la leeyahay xanuunku waa jiraa laakiin cidina ma baadho lamana soo sheego adeegga caafimaad ee hooseeya awgeed, way dhici kartaa laakiin kolay heerka wadamada awoodda is beday uma dhawa umana eka. Wadamo dhowr ah, oo ay ku jiraan Kenya iyo Tansaaniya, waxay joojiyeen duulimaadyadii tagayay iyo kuwii ka imanayay Shiinaha, si loogu xakameeyo faafitaanka xanuunka, laakiin kuwa kale oo ay ku jiraan Nigeria iyo Itoobiya weli may samayn (oo leh shirkadda duullimaadyada ugu weyn ee wadamada laysku yidhaahdo SSA).
Haddii wadamadani SSA ay ku guuleystaan xakamaynta tirada dadka xanuunku soo ridayo bilowga waxaa suurta gal ah in saameyntuna yaraato, laakiin waxaa adduun waynuhu wadnaha farta ku hayaa haddii fayrasku ka dhex qarxo bulshada deegaanka sida khatartaas maare loogu heli doono waana ta bulsha waynta iyo maamuladuba la rabo inay aad uga feejignaadaan oo aanay arrinka dhayalsan sida in badan oo Somali ah ku dhacday xitaa wadamadan ay Yurub ka mid tahay ee ay joogaan oo la sheegay in dhimashashdoodu aad uga sarayso tirada saamiga bulshada ay la nool yihiin ay ka yihiin markii aad loogu fiirsadayna la ogaaday in sababta kowaad tahay feejigo la’aan iyo xanuunka oo ay dhayal sadeen oo ay raaci waayeen fariimihii caafimaad ee sida isdaba joogga ah loogu sheegaayay.
Waxyaabaha caawiyay wadamada SSA (Wadamada Afrika ee ka hooseeya Saxaraha) waxaa ka mid ah wadamadaas oo aanay ku badnayn magaalooyinka aad u waawayni, cufnaanta dadka magaalooyinkaas oo hoosaysa, shabakadaha is-ku-socodka gudaha oo aad u xaddidan, labadaba gudaha wadanka iyo waddamada dhexdoodaba, kuwaas oo hoos u dhiga halista isu-gudbinta fayraska.
Wadamada dhaqaalahoodu sareeyo sida Shiinaha, Yurub iyo Maraykan waxaa , faafitaanka xanuunka qaybta ugu wayn ka qaatay cufnaanta iyo isku-murugga dadka oo aad u sareeya oo halkii mitirba boqolaal qof wadaagayaan halkii daqiiqo iyo nidaamka gaadiidka casriga ah oo qaybta ugu wayn ka cayaaraya in dadku isdhexgalaan ama isku milmaan, qofkiina socdo boqolaal iyo kumanaan km muddo yar gudaheed isaga oo taabasho iyo u dhawaansho toos ah la samaynaya boqolaal qof taas oo ay keenayso tareenadan iyo dayaaradahan cirka iyo dhulka qulqulaya, xanuunkiina halkaas ku noqonayo dabaw duur gal (nimco waliba nuqsaan leh).
Wadamada aan ka hadlaynaa waxay leeyihiin awood dhaqaale iyo mid farsamo, waxaan filayaa in aad ogtihiin in Shiinuhu ku dhisay Hosbitaal qaadaya 10,000 oo sariirood iyo qaybihiisii maamulka muddo 10 maalmood ah isaga oo ka sameeyay qaybo laysku gurayo oo hore laysugu wada sarjaray.
Waxaa aad looga warwar qabaa haddii wadamadan (Sub-Saharan Africa) oo Somalidu ku jirto uguna sii taag daran xanuunku baroosinka rito sida ay suurta gal ugu noqon doonto inay wax ka qabtaan.
Tiro koobyo ay ururiyeen Xeel-dheerayaal ayaa saadaalinaya in saddexda bilood ee (rubuc-labaad) ee sanadkan, waa bilahan hadda lagu jiro ayaa sheegay in lafilayo inuu fayrasku ka yaraado dhinaca waqooyiga hemisphere-ka laakiin aad looga cabsi qabo inuu u wareego wadamadan (Sub-Saharan Africa), Allah kama dhigo, laakiin wax aad u yar ayaa hadda laga ogyahay oo ku saabsan asalka iyo faafitaanka cudurkan in lagu kalsoonaan karo sadaashaas.
Saadaalintaas ayaa waxay intaas raacisay in wadamadan (Sub-Saharan Africa) aan laga yaabin in dhimashada iyo khasaaraha nafwaagu aanu gaadhin heerka dhinaca waqooyi ee adduun waynaha sababha aan kor ku soo sheegnay awgood, laakiin waxyeelada dhaqaale ayaa wali noqon karta mid weyn, marka loo eego carqaladda ku imanaysa silsiladda isu-guduka badeecadaha wadamada dhexdooda iyo dadka faraha badan ee waayaya dhuuni maalmoodkoodii xanuunka awgiis. Waxaa intaas raaca oo aafadani wadataa warwar uu keenay bukaankii oo aan sidii caadiga ahayd loo rogrogi karin ama aan loo dul joogi karin, kaas oo dadka ku keenaya cabsi iyo halac aan hore loo arag.
Waxa kaliya ee hadda la gudboon Somalida oo ka mid ah wadamadan aan soo sheegnay tahay, waa in ay fariimaha caafidaadka mihnadlayaasha deegaanku u sheegayaan ay sidooda ugu dhega nuglaadaan aadna ay isugu dayaan inay caafimaadka faya dhawrka fayraskan faraha ka sii fakanaya ay aad ugu feejigo yeeshaan. La soco qaybta dambe
Dr Omar Noor, Birmingham
omar63noor@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here