“U Nuglaanta Covid 19 iyo Weli Ladnaanta” Dr.Omar Noor

0

Waa cabsi cid walba ka wareerisay sababta oo ah waxay aad ugu egtahay in saamaynteedu tahay mid cidwalba ka fajicisay oo aan hore loo arag cidina aanay sii saadaalin karin. Dadka qaar ayaa la rumeysan yahay in aanu wax calaamado ah ku samayn halka kuwa kalena ay la kulmaan astaamo aad u daran ama ay muujiyaan oo ay kujirto ugu dambaynata dhimasho.
Afrika oo Somalidu ku jirto dhimashada iyo kiisaska la ogaadayba waa tirooyin kooban marka loo eego wadamada reer gabeedka ee xanuunku aad ugu dhex faafay, su’aashu waxa ay tahay tolaw ma sidaas ayay xaaladdu tahay mise war ayaan laga qabin, waxa si fiican loo ogyahay in dadka inta badan aanu xanuunku astaamo ku samayn inta uu ku dhaco asaga oo aan ogaana uu ka dhexbaxayo. khubarada WHO ayaa rumeysan in qaarada uu sugayo faafitaan-qarax daba dheeraada kaas oo laga yaabo inuu socdo sanado dhowr ah, waxaa kale oo shaqaalaha gargaarka caafimaadku sheegayaan, in xanuunkan adduunka ka dilaacay uu keenay in daryeeladii kale ee caafimaadku inay meesha ka baxaan ama aad u yaraadaan waqtigan oo laga arkayo xitaa wadamadii daryeelka caafimaad ka jiray.
Waxaa dhacday ama dhacda in marka dawladda afrikaanku isku dayaan inay dadka u imanaya ay is yidhaahdaan karantiimeeya in ay geeyaan goobo laga qaado qofka lacag dhan $20 illaa $100 habeenkii, waayo qofka laguma dhexsiidayn karo bulsha waynta iyada oo aanu qofku wacyi ahaan aanu fahamsanayn ama aanu dhaqaale ahaan awoodi karin inuu isagu is karantiimeeyo (self-isolation), goobtaas lagaynayo oo laga yaabo inay tahay goob-shaqo oo gaar loo leeyahay, isla markaana aanu mulkiiluhu raali ka ahayn sida aynu uga soo joognay meelo Hargeysa ka mid ah. Markaas su’aasha meesha imanaysaa; waxaa weeye xaggee qofka lagu karatiimayn karaa, biilka goobta-shoqo ee gaarka ah ayaa binaya, mala helayaa goobtaas qudheeda, waa arrin maaraynteedu adagtahay (challenge)? oo Dawladda iyo shacabkaba hortaagan.
Markaas waxaa fiican in itaalkasta hala haadee in magaala kastaa ku da’daasho goob loogu talagay in intii la awoodi karo lagu daryeelo dadka xanuunku soo rido ama u dhul dhaca ugu yaraan si faafintaankiisa loo hakiyo oo meel yara baydhsanna qofka loo dhigo wixii gargaar loo hayana loogu fidiyo sida aan ka maqlay in Hargeysa goob noocaas ah laga yagleelay dadkana loo baahan yahay dhammaan inay is garab taagaan oo wixii ay adduun awoodaan ugu deeqaan, ayna fahmaan inay maanta tahay maalin loo baahan yahay in waxwalba la mideeyo si aafadan khasaaraheeda loo yareeyo.
Aragti ayaa odhanaysa xanuunku dadka badi waa wada marayaa, tiro illaa xad ah ayaa laga yaabaa inuu galaafto ka dibna dadku waxay yeelanayaan nidaam-jidh xanuun-ka-baxaw ah (body immune system) ka dibna qaybo fara badan oo bulsha waynta ka mid ahi yeesha xanuun-ka-baxaw oo ah wax loogu yeedho (Herd immunity) ayay yaraynaysaa fiditaanka xanuunka waxaanaan filayaa waa ta laga yaaabo inay ka dhacdo meelaha Somalidu degto. Nasiib darrose, maaddaama nooca ‘COVID-19’ ee coronavirus uu wali cusub yahay, lama oga weli in jirkeenu uu dhisi doono nidaamkaas-ka-hortagga fayraska ee loo baahan yahay.
Xanuunkani waxa uu kor u qaadaa xanuuna ay ka mid yihiin oof wareenka, hab-dhiska nefsashada oo uu naafeeyo iyo dhaawac wayn uu gadhsiiyo beerka qofka kuwaas oo dadku inta badan ay ugu dambaynta u dhintaan sida laga ururiyay xaalado aad u fara badan ee wadankan Ingiriiska.
Maalmihii la soo dhaafay, tirada kiisaska la ogaanayo ayaa maalin walba sii kordhaya min hal ilaa laba lambar ee wadamada ay Somalidu ka mid tahay. Tani waxay abuuraysaa welwel horleh, laakiin alxamdulilaah xaaladdu marna ma gaadhin heer lagu tilmaami karo fara ka bax iyo ku-hafasho midna sida warbixinta WHO soo bandhigtay.
Somalida oo ka mid ah wadamada africanka ah ee awoodooda adeegga caafimaad aadka u liito, weli waa ladan yihiin, WHO wax sharaxa uma hayso xaaladda fayraska ee wadamadan oo aan ahayn xaaladda eeg oo feejignaw, mar waxaa la leeyahay kulaylka qoraxda oo sareeya ayaa xakamaynaya, dadka oo da’dooda dhallinyaro u badan tahay ayaa qayb ka ah, dadka oo caato u badan ayaa iyada qudheedo tahay xaalad aan soo dhawaynayn xanuunka laftiisa, xanuuno badan oo fayraskan u nugul ayaa laga yaabaa in aanay bulshada ku badnay sida neefta iyo wadna xanuunka, (Qadarkii Allahna meesha waa ku jiraa oo kaas ayayna WHO xisaabta ku darin) oo waxaa laga yaabaa in allah xanuunka uga naxriistay danyarta.
Calaamadaha xanuunka Covid 19:
Qandho, Qufac qalalan, Neefsashada oo dhib noqota, Qadhqadhyo, kurbasho ama gariir, Muruqyo xanuun, Madax xanuun, Cune xanuun, Xanuun joogto ah ama cadaadis laabta ah,
Jahwareer, Awood la’aanta iyo debne qalal ugu dambayn dhedhanka iyo wax urinta ama midkood oo kaa taga.
Hubi in aad u dhega nuglaato talooyinka mihnadlayaasha deegaanka.
Dr.Omar Noor, Birmingham , UK

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here