Turkiga oo u yeeray safiirka sacuudiga ee Ankara si wax looga weydiiyo wariyaha la la’yahay ee Jamal Khashoggi

0
117

Wasaarada Arimaha dibeda turkiga ayaa u yeertay safiirka sacuudiga u fadhiya magaalada Ankara si wax looga weydiiyo maqnaashaha Jamal Khashoggi kaasi oo cid ugu war danbeysay markii uu galay qunsuliyada sacuudiga uu ku leeyahay sacuudiga laba maalin ka hor Diblumaasiyiin u dhashay turkiga oo la hadlay wakaalada wararka ee Anadolu khamiistan maanta ah u sheegay in safiirka sacuudiga uu kulan la qaatay wasiirka arimaha dibeda Yavuz Selim Kiran waxaana sidoo kale looga wadahadlay dhaleeceynta sacuudiga uu jeediyay Turkiga Dhanka kale dowlada sacuudiga ayaa sheegtay in war saxafadeed ay soo saartay in laamaha amniga Turkiga ay kala shaqeynayaan muwaadinka sacuudiga oo la la yahay Xukuumada Riyaad ayaa dhanka kale sheegtay in Jamal la waayay markii uu ka soo baxay Qunsuliyada sacuudiga ee magaalada Ankara Wariyahaan ayaa horay mararbadan u dhaleeceyay siyaasada boqortooyada,waxaana uu kasoo cararay dalkaas sanadkii 2017-dii waxaana uu ku noolaa mareykanka ka hor inta uusan imaan magaalada Ankara.Hadalkaan ayaa daba socdaykadib war ka soo baxay afhayeenka madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdogan habeenimadii xalay kaasi oo ahaa in turkiga wali uu aaminsan yahay in Jamal uu ku Jiro gudaha Qunsuliyada.Ibrahim Kalin ayaa intaa ku daray in ay aaminsan yihiin arintaan,balse aysan heynin macluumaad kale oo ku saabsan muwaadinka sacuudiga oo laba maalin ka hor la waayay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here