Turkey: Oday Filim La Duubayay Run U Qaatay Oo Aktaradii Ka Badbaadiyay Jilliinka Afduub Lagula Kacay

0

Nin 78 jir ah oo lagu magacaabo Muzaffer Parlak, ayaa weerartay filim lagu diyaarinayay degmada Perşembe oo ka tirsan gobolka Badda Madow ee Ordu, isagoo u maleynaya in haweeney afduubtay ay run tahay oo ay isku dayday inay badbaadiso Aktarada Jilaysay Filimka afduubka.

Iyada oo qayb ka ah dhacdooyinka taxanaha TV-ga ay socoto ayaa  jilaayaashu waxay doonayeen inay afduubtaan atariishada Merve Şen ka dib markay dhaceen dukaan dahabka lagu iibiyo.

Intii lagu gudajiray duubista, Parlak oo marayay  goobta filimka lagu jilayay, ayaa mar kaliya waxa uu arkay dhacdooyinkan, waxaanu jaleecay  Gabadha filimkaasi jilaysa oo dhibaataysan, wuxuu u orday dhinaceeda si uu uga badbaadiyo kooxda Afduubka geysanayasa, maadama aanu ka war qabin in waxani uu yahay jiliin, waxa uu markiiba gudo galay difaaca gabadhaasi.

Kooxda Afduubka Jilliinka ah geysanaysay ayaa damcay in ay dejiyaan Mr Parlak,  Maadama gabadhii jilaysay filimku ay ka naxday sida uu odaygaasi 78 sano jirka ahi ugu foogan yahay in uu ka badbaadiyo kooxdaasi, waxaana ugu danbayn loo sheegay in odayga in waxani uu yahay jiliinka filim.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here