Trump Oo Abiy Ku Qabsaday Billada Nabada ee La Siiyay

0

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa u jawaabay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump kaddib markii uu dhawaan sheegay in Abiy Axmed laga siiyay biladda abaalmarinta nabadda ee Nobel.

Abiy wuxuu sheegay in uusan wax war ah ka heynin qaababka ay guddiga Nobel kusoo xusheen shakhsiyaadka ay abaal marinta guddoonsiinayaan.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya wuxuu sidoo kale sheegay in dacwadda uu Trump kaga qabo abaalmarinta uu u gudbin karo guddiga Nobel ee uu fadhigiisu yahay caasimada Norway ee Osol

Aniga uma shaqeeyo in aan abaalmarin helo, waxaan ka shaqeeyaan nabadda, waana arrin muhiim ka ah gobolkeena”Abiy AxmedRa’iisul wasaarahaItoobiya

Abiy ayaa hadalkan ka sheegay xilli uu weriyeyaasha kula hadlayay caasimadda Koonfur Afrika ee Pretoria.

BBC Somali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here