Tixdii iyo Taariikhdii Abwaan Nimco Aadan Hurre (Nimco-gabaydo): Qormada Shanaad. W/Q Siciid Gahayr

0
115

Qormada shanaad ee Tixda iyo Taariikhda Abwaan Nimco-gabaydo waxa aynu ku soo qaadan doonnaa gabay la yidhaahdo “waan dhursugayaa” oo ay kula hadashay Golaha Wakiillad Somaliland.

 

29kii Sebtember 2005ta waxa Somaliland ka qabsoontay doorashadii Golaha Wakiillada, waxaanay dadweynuhu ku xusheen 82 mudane oo isugu jira 80 nin iyo laba haween ah. Kuwaas oo ka kala socday lixda gobol ee waaweyn. Gabaygan magaciisu yahay ‘Waan dhursugayaa’ waxa ay Nimco-gabaydo curiysay xilligii la dhaarinayay mudaneyaashaas la doortay. Waana hilaad ku beegan horraantii bisha Disember 2005ta.

 

Abwaannada oo sharxaysa sifaha uu gabaygani ku curtay iyo qodobadda uu xambaarsan yahay waxa ay tidhi “Galabinimadii ka horraysay subaxa la dhaarinayo Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland ayaa waxa ii yeedhay muwaaddin ka mid ah kuwa aan ugu jecelahay Somaliland ee kaalinta kowaad ka qaatay taariikhdayda iyo suugaantayda. Muwaaddinkaas waxa la yidhaahdaa Cabdiraxmaan Axmed Xirsi (Xuunsho). Waxa uu aad iigu canaantay in aan ka gaabiyay kaalintaydii suugaanta, in ka gabay doorkaygii iyo aanan xawaarihii loo baahnaa ku soconnin. Waxa aan u sheegay in aan guulguulka qaadanayo, isagana tilmaantiisa aan hirgelinayo. Waxa aan ku idhi “imaka maxaan qabtaa?”.

 

Wuxuu yidhi “Berri ayaa la dhaarinayaa Xildhibaannada cusub ee Golaha Wakiillada Somaliland, inta aan gabbalku dhicin waa inaad tiriso gabay dardaaran ah”. Markaa waxa aan curiyay gabaygan oo xambaarsan kow iyo labaatan su’aalood.

 

Iyada oo muddo laga joogo doorashadii Golaha Wakiillada, weli ma muuqato in laga jawaabay weydiimahaas aan u bandhigay”.

 

Waxa xus mudan in Golahani kuraasida ku fadhiyay muddo ku dhaw saddex-laab intii la doortay. Gabaygu waxa uu iftiiminayaa gol-daloolooyinkii jiray ee la rabay in ay Golahani buuxinayaan. Hal-abuurku waxa ay geeriyootay iyada oo wax la sheegi karo laga qabannin qaybooyinkii ay gabaygan ku sheegtay. Kal-fadhiga kowaad ee Golaha Wakiilladu waxa uu qabsoomay 29kii Nofember 2005ta, sidaas awgeed waxa uu gabaygu soo baxay 28kiiNofember 2005ta

 

Waxa uu yidhi

 

Cabdi Dhoolla-dahablow tixdiyo, dhudihi suugaanta

Dhihiddoodi maan deyin manaan, gabin dhankaygiiye

Dheddignimo intaan ku habradeen, keli is-dhuubaayay

Marna aan nin iyo reer dhaqeen, dhalayay awlaadda

Ayay dhacantay hawraarti oo, rag iga dheereeye

Mar se haddaan dhambalo oon laftiyo, dhuuxa ka abbaaro

Carrab igu dhaliiliyo ma jiro, dheg i saluugtaaye\

Caawana dhambaalkiyo naxwaha, Mawle igu dheehay

Waa dhaabad culus iyo afeef, dhiirri-gelineede

Dhegaystoo Samaaliyo[1] Cirrow[2], yaanay idin dhaafin

 

Haddaad tahay indheer-garad ku mudan, dhabadintuu joogo

Aseed gabay ku dhaantaynaysiyo, maanso kuu dhaqana

Alla magan xaq baa lagu dhintaa, lagu dhawaadaaye

Kuraastiyo dhismahan baarlamaan, een ku dhaadanaynno

Qoladiinna foodku u dhaceen, dhigannayow maanta

Kuwii tobanka dhow-dhow fadhiyay, ee la dhaadhiciyay

Ma tihiin rag dhaamoo iyagu, dhaanka noo raraya?

 

Ma se tihiin ammmaanadan dhabtiyo, fuushay dhabarkiinna

Cirka iyo dhulkaa diiday oo, waa wax dhumuc weyne

Mataanow dhammayso u qalmoo, dhaarta oofinaya?

Saddexdaysu dhigantee anfaca, dhuunigaad karinna

Dheri laguma aammino hadday, kala dhantaalmaane

Ma tihiin dhadhaarro is-ceshiyo, dhud iyo diirkeeda

 

Dhuuntuba afkiyo moqorka way, kala dhex taallaaye

Idinkuna Dhammow gacalleyaal, waad u dhigantaane

Ma tihiin dhugley dawladdiyo, dhoohanow shicibka

Labadaba wakiillo u dhashoo, dhinac kasta u doorran

Ma tihiin abaal lagu dhib tiray, lagana dhawraayo

Waxa dherersadoo guda raggiyo, dhogor-yarow geele

Dar dhiilkii iyaga loogu shubay, nagu dhansiinaaya

 

Nimanyahaw damiirkii dhintaa, dhaadi-waa xumo’e

Ma tihiin dhibbaneyaal xilkay, noo qabteen dhibayo

Ma tihiin wax loo dhiibo iyo, dhururi laaluusha

Ummaddiyo dhulkoodiyo rag aan, dhaafsanayn calanka

Ma se tihiin dan guud waxa ku dhacay, dhaawac faraweyne

Dhakhtar lagu daweeyiyo digtoor, dhayaya boogteeda

Ma tihiin hantidan loo dhan yahay, ee dhextaal qaranka

Shaqaalaha in uu dhaco bartiyo, daallinka u dhuunta

Hanti-dhawrro daba-taagan iyo, heegan lagu dhaato

 

Cashuurtiyo dhaqaalaha dalkee, dhayli soo baxaya

Waxa Maxamed Xaajow dharqada, oo dhadhoonsanaya

Ayax tegay dhashuu aasay iyo, eelki uu dhigaye

Ma tihiin rag dhiig-miiratada, naga dhufaanaaya

Ma tihiin waddaniga u dhashee, dhacar ku soo doogay

Xaqiisuu la’yahayuu dhufsaday, kii ku yimi dhoofku

Gurmadkii u soo dhicin lahaa, ee u dhiidhiyayay

 

Ma tihiin cadliga dheelmadee, dhababka loo jiiday

Dhakhso niman u soo saarayoo, daafta soo dhigaya

Ma se tihiin dulmiga laga dhergee, ii dhadhami waayay

Dhawrsooneyaal laga nahyiyay, oon u soo dhididin

Dhulmo uu qof kale leeyahoo, dhac iyo xaaraan ah …….

Ma tihiin aqoonsiga ka dhiman, dhaaxa libinteenna

Dhudhubtana ku jira ee wax soo, dhirindhirsha u baahan

Dhaqdhaqaaq aqoonyahan ahoo, guul ka dhalinaaya

 

Lixdankii markay noo dhasheen, dhiilasha u culannay

Waa taad dhooy la’aan iyo fudayd, ula dhaqaaqdeene

Dhadhab lagu riyoodiyo midimo, aan dhulkaba joogin

Usha waydinkii ugu dhufteed, Xamar u dhiibteene

Qabillow[3] hir dhalanteeda ah iyo, dhir iyo ceeryaamo…

Waydinkii u dholondhoolliyee, dhu’iyay Maandeeqe

Dhanaaniyo Mareerrayda iyo, Dhooblay iyo Waamo

Labaatan iyo dheeraad sanay, Dhudi ku laalnayde

Oo ay dhirmaanyiyo yaxaas, kala dhex taagnayde

Imakana Dhammayseey halkay, taallay dhiribteedu

Dhayal iyo kumay ciyaar, dhawrto iyo doode

Dhagar iyo dagaal iyo qax iyo, dhaawac iyo geeri

Waa taan ku dhiciyeen naftiyo, maalka dhaafsadaye

Ma tihiin dhab baa loo hadlaa, sidigtan Dhaameela

Cartanow[4] dhalooti u kacdiyo, dhoobbiyaal jiraya

 

Mase tiin hadday dhaharatoo, rag is-dhafoor-taabto

Nabadduna dhunkaal daaqdo iyo, dhiro-qadhaadhoodka

Hubna la isku dhilo oo colaad, laysu dhigo beerka

Hadduu cadawgu meel dhaw ka yimi, oo amaba dheeryay

Axmedow[5] dhadhaab shiilcasiyo, dhamac difaacaysa

Ama geesiyaal dhiirran oo, aan dhanbacanaynnin

 

Hadday dhabaqdo xaajadu bulshana, dhiifi kala gaadho

Ma tihiin rag aan dhiig qubtiyo, dhiillo soo korodhay

Ka daboolin dhegahooda iyo, labada dhaayoodba

Inta dhagida Soomaalilaan, hooyo lagu dheelay

Dhugucdee sidaydaa ilmaha, kii ka dhalay noolyay

Dhexdaw xidhatayee ciilka iyo, qulubku dhaandhaamay

Dheddigguu dayacay aabbihii, dhaqi lahaa reerku

 

Misna yidhi “dhallaankuun korsada, dheeftana u raadsha”

Ee suuqa dhoobani ka badan, dhagaxa buuraaye

Dhabeelaha lug-go’ay ee hungada, qoomammo u dheertay

Ee dhabanna-hayskiyo ku jira, dhaygaggiyo yaabka

Ma tihiin xuquuqdooda dhiman, qaar dhammaystiraya

Iyo mudaneyaal waxa ku dhacay, hoos u dhuganaaya

 

Mase tihiin dhabbada toosan iyo, dhidibka diinteenna

Gole nagu dhaqaayoo xijaab, nagu “dhag” siin doona

Ma tihiin dharaaraha wakhtigu, way is dhurayaane

Car intaan shantaa sano dhammaan, een dib loo dhugannin

Dhito looga aayiyo kuwii, dhaxal-gal reebaaya

 

Dhambaalkii suaalaha Tukow[6], waan dhammays tiraye

Jawaabtuna dheh maahiyo afkood, kaga dhawaaqdaane

Waxan dhawri ficilkiinna oo, waan dhursugayaaye

 

Idinna dhool onkoday oo intuu, dhibica sii daayay

Dhudhumaha xareedduu wadhee, dhaamamkii geliyay

Dhoomaha ka buuxsaday dadkii, oon la dhugatoobay

Ayaan idinka dhigay oo ducaan, faray dhammaantiine

Ku dhaqaaqa hawshoo guntiga, dhiisha ku adkeeya

 

La soco qaybta lixaad haddii Eebbe idmo

Siciid Maxamuud Gahayr

saedmgahair@hotmail.com

Facebook: Siciid Maxamuud Gahayr

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here