Telesom Oo Xukuumadihii Kulmiye ee Talada U Kala Danbeeyay Eedo Ujeedisay

0
457

Shirkada Isgaadhsiinta ee Telesom ayaa xukuumadihii kala danbeeyay ee Kulmiye ku eedaysay in ay cadaadis xoog leh saareen.

Maxamed Yuusuf Cali oo ka mid ah saraakiisha ugu saraysa shirkadaas oo warbaahinta kula hadlayay Magaaladda Hargeysa ayaa xusay in xukuumadii Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ay uga hiilisay Shirkadda Som Cable isla markaana laga hor joogsaday in ay dalka keenaan adeega Viber Optica.

waxa uu Mr. Alloore uu xusay in xukuumadda cusub ee uu hogaaminayo madaxweyne Muuse Biixi ay iyaduna halkii ka sii amba qaaday cadaadiskii ay ku haysay xukuumadii hore.

 

Caqabadaha mida ugu horeysa sida aad wada ogtihiin waxa ugu horaysay markii shirkaddan la aas-aasayay, marka shirkad la aas-aasayo waad og tihiin dhibaatada ay leedahay, buurahaa naloo diidi jiray, meelaha aanu bir ka taaganayno ayaa la diidi jiray, Magaalooyinka Gudahooda ayaa naloo diidi jiray” ayuu yidhi

sidoo kale waxa uu xusay in xukuumadihii kala danbeeyay ee Somaliland ay culays laxaad leh saareen shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom “Waxa kale oo ka mid ah caqbadaha in Xukuumadihii kala danbeeyay ee somaliland, ha ugu badnaato dawladihii Kulmiye.

Dawlada Maanta joogta iyo dawladii ka horeysay,  labaduba waxa ay aad iyo aad waxa ay socodkeedii dib u dhigeen Shirkada Telesom.

waxa iyadana Telesom Caqabadaha Haysta ee ay Dawlada Iminka Jirta iyo tii horeba ay weli ku taagan yihiin Korontadii shirkada oo aan loo ogolayn in ay xadhko jiido, taas oo iyadana loo xidhay Som Power.” ayuu yidhi Maxamed Yuusuf Alloore oo ka mid ah masuuliyiinta shirkadda Telesom.

waxa uu intaasi ku Daray Maxamed in shirkadda Telesom loo diiday in ay dalka keento Internetka Viber Optica oo ay ka soo jiidaysay Badda “Waxa kale oo shirkadda loo diiday in ay Berriga keento Cableka Viber Optica, waxaanu Cablekaasi ku jiraa Badda dhexdeeda” ayuu yidhi

waxa uu xusay in xukuumaddii hore ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ay adeegyadii oo dhan u cuno duubtay shirkadda Somcable “Waxa sharciga loo jabiyay oo ay dawladii Siilaanyo u jabisay Somcable, sharcigii dalka yaalay ee dastuurka ahaa ee inaga wawda dhaxeeyay ee qofna aanu qof kale ka saraynin ayaa loo jabiyay” ayuu yidhi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here