Tanzania Oo Go’aan Ka Soo Saartay Isticmaalka Bacaha

0

Dawladda Tanzania ayaa ku dhawaaqaday xayiraada bacaha, taas oo ay uga gol leedahay la dagaalanka waxyeeladda soo gaadhaysa deegaanka.

Ra’isal Wasaaraha wadankaasi Kassim Majaliwa oo warbixin ka hor jeedinayay baarlamaanka dalkaasi ayaa sheegay in xukuumaddu ay go’aan ku gaadhay sidii loo joojin lahaa isticmaalka bacaha ee dalka oo dhan, si loo dhawro fayo qabka deegaanka.

Waxa uu Ra’isal Wasaaruhu uu xusay in madaxweynaha dalkaasi uu go’aankan hore u gaadhay isla markaana ay fulin doonaan.

Talaabadan ayaa waxa hore u qaaday dalalka Rwanda, Kenya iyo Koonfurta suudaan, waxaana uu noqonayaa dalkii saddexaad ee ku yaala afrika ee isagu joojiyay isticmaalka bacaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here