Talye Fadal Waa Halyey Qaran Oo U Soo Baxay Ciimada Booliska Somaliland

0

Ciidamada Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxa la aasaasay Sannadkii 1993kii, Sida muuqatana Ciidanka Boolisku waxa uu horumar la taaban karo ka sameeyay dhismayaasha xarumaha Booliska, nidaamka darajooyinka, qalabka ciidanka iyo tababarkoodaba, hase ahaatee magaalowga sii badanaya, korodhka dadwaynaha iyo fal dambiyeedyada casriga ah ee wakhti xaadirkan waxa ay ciidamadu  ay  karti u leeyihiin in uu ka hor tago, baadhana, faldambiyeed kasta , oo dhaca ama dhexmara Qaar ka mida ah Beelaha Soomaliland isla markaana xakameeyo dambiyada tirada badan ee ka dhaca magaalooyinka waawayn.Waxaa Xusid ama aan marnaba la Ilaawi karin Horumarka kala duwan ee la gaadhay wakhtiyada kala duwan ee ka soo Bilaabmay Wakhtigii as,aaskii ciidanka

S/GAAS Taliye Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa mudadii uu ahaa taliyha ciidan boolika wax badan oo la taaban karo ka qabtay dhinaca nabad galyadda. Ma xusi karno Dhamaan Waxqabadka uu Sameeyay Taliye S/GAAS CABDILAHI FADAL IIMAN Waxaanse ku soo Koobi doona kuwan hoos ku xusan:-

  1. DARAJADA CIIDANKA BOOLISKA.

Muddo xileedkiisa Taliye-nimo oo ka soo bilaabmay 2012 ila hada  waxa si Hufan oo ku salaysan ama waafaqsan xeerarka dalacada iyo Ciidamada loo bixiyay  Darajooyinka kala sareeya ee Ciidan-nimo ayadoo loo eegayo Meerto iyo shaqo wanaaga,Waana Taliyaha ku suntan Bixinta Darajada.

  1. DHISIDA XARUNTA TALISKA GUUD.

Muddo hada laga joogo ku dhawaad 70 sano  Waxa ciidanka Booliska u ahayd Xaruntooda koowaad dhisme aad u yar oo ku filnayn in uu daboolo hawlaha baaxada leh ee ay Qaranka u hayaan.

Taliye S/GAAS CABDILAHI FADAL IIMAN  Waxuu ku Guulaystay Ilaahayna ku garab galay Hir-galinta dhisme ka kooban dabaq oo ku fadhiya dhul aad u balaadhan loona dhisay si quruxsan,dhismahaas oo ka kooban in ka badan 70 Xafiis iyo Hoolalki shirarka oo uu dhan yahay qalabkiisii Fududayn lahaa shaqada

  1. KORODHKA GAADIIDKA CIIDANKA BOOLISKA.

Dunidan Casriga ah hawlkasta ama shaqo kasta kama maaranto Gaadiid Fududeeya hawlaha soona dhaweeya masaafo kasta oo shaqo,hadaba ciidanka booliska Somaliland Mudadii u majaraha u hayay Taliye S/GAAS CABDILAHI FADAL IIMAN Waxa uu u soo kordhiyay Gaadiid Tiro badan si ay qayb uga noqdaan Dardar-galinta Hawlaha shaqo ee Ciidanka Booliska.

Waxay ahayd bilawgii sanadkan 2017 Markii Ciidanka Boolisku ay kala wareegeen Xukumada in ka badan 25 baabuur oo ah nooca loo yaqaan Qabaal (Toyota) Taas oo muujinaysa Korodhka Gaadiidka Ciidanka iyo Waliba Tiro kale oo ay ka iibsadeen Miisaniyadda Ciidanka ee sanadkan 2017.

  1. TOBABARADA CIIDANKA BOOLISKA.

Tobabaradii ugu badnaa ee ay helaan ciidanka booliska Somaliland, Tobabaradaas oo isugu jira kuwa ciidan-nimo mid Aqoon korodhsi Waxa ay Ciidanka Booliska heleen Mudadii uu xilka hayay Taliye S/GAAS CABDILAHI FADAL IIMAN,Tana waxa tusaale cad u ah Dufcadihii kala duwaan ee labadii(2) sano ee u danbeeyay ka soo kala baxay Dugsiyada Tobabarka Ciidanka Booliska.

  1. KORODHKA DHALINYARADA CIIDANKA BOOLISKA.

Taliye S/GAAS CABDILAHI FADAL IIMAN Waxa uu ku Guulaystay in uu kordhiyo Tirada dhalinyarada ah ee ka mid ah Ciidanka Booliska kuwaas oo kumanan kor u dhaafaya kana hawl-gala dhamaan Qaybaha kala duwan ee Ciidanka Booliska taas oo ay u Fududaysay ku xidhnaanshihiisa Qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Waxa aan hadalkaga ku soo gabagabanaynaya halku dhigayga

  • Qabo ama ii qir
  • Qof wuxuu qabtaaba qaran dhami ku faanaa
  • Dambiilaha aan qabanee dacalada ka joogsada
  • Hadii lasysku fiirsado hungaa lagu danbeeyaa

ALLA MAHADLEH

W/Q: Ahmed Hussein Abdi (Xato)

axmedxato22@gmail.com

TEL.657777665

TEL.634002356

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here