Talaalka Oxford-AstraZeneca….Maxamed Cabdi Xasan Diridhaba

0
Oxford-AstraZeneca waa tallaal aan habayaraate wax yeelo lahayn, aniga isku tallaalay, sidoo kalana 24 malyuun oo qof oo ingiriis ah ayaa isku tallaalay, habayaraate wax dhibaato ah oo naga soo gaadhay ma jirto aan ahayn faa’iido, halkani UK, tallaalka Oxford-AstraZeneca wuxuu hoos u riday faafistii Coronavirus 92%.
Tusaale ahaan 5 usbuuc ka hor UK maalin kasta waxaa celcelis ahaan u geeriyoonaayay Coronavirus maalin kasta, 2300 (laba kun iyo seddex boqol oo qof) maantana celcelis ahaan maalintii 80 qof ayaa u dhinta COVID-19.
5 usbuuc ka hor waxaa Coronavirus qaadi jiray ama uu ku dhici jiray ingiriiska maalin kasta 80,000 kun oo qof, maantana wuxuu ku soo dhacay ilaa 400 qof maalintii.
Waxay khubaradu cadaynayaan xita in tallaalka Oxford-AstraZeneca uu ka ilaalinayo qofka inaanu Viruska gudbin ama qaadsiin karin qof kale.
Dalalka xubnaha ka ah EU-da iyo Ingiriiska waxaa ka dhex socda ficiltan iyo borobogaandho siyaasadeed oo salka ku haysa ka bixitaankii ingiriisku ka baxay midawga Yurub.
Isla judhii ingiriisku shaaciyay inay ku guulaysteen samaynta tallaal aan u baahnayn in qaboojiyayaal xoog weyn lagu keydiyo sida ka jarmalku sameeyay ee Pfizer-biontec, waxaa Europe saaqay hinaaso iyo cadho ay ka qaadeen guusha ingiriisku ka gaadhay arrinta tallaalka.
Bishii January ilaa February waxay EU du, tallaalkan Oxford-AstraZeneca ka faafinayeen dacaayado aan sal iyo raad lahayn, oo markii danbe ee dib loo baadhay, la ogaaday inuu talaalka Oxford-AstraZeneca yahay ka ugu waxtar badan seddexda tallaal ee uu ka mid yahay.
Markii xogtaasi cusub, soo baxday ayey dib u bilaabeen inay isticmaalan tallaalka Oxford-AstraZeneca, hayeshee dhawaan ayaa shariikadda AstraZeneca sheegtay inay yaraynayso xajmiga tallaalka ee ay EU da gayso, sabab dhinaca samaynta iyo soo saarista dawada oo xajmiga laga dalbaday adduunyada oo dhan iyo xajmiga ay soo saarayaan kala batay.
Markii AstraZeneca go’aanka qaadatay, ayaa usbuucan la wareegayaan dalalka EU da xubnaha ka ahi dacaayad raqiis ah oo ka dhan ah Oxford-AstraZeneca, si aan dalabku ugu badan, EU uga faa’iidaysato.
Ma u malaynaysa ingiriiska oo leh mid ka mid ah haayadaha caafimaadka adduunka ee ugu taxadar badan inuu dadkiisa ku tallaali lahaa, tallaal waxyeelo ku ah.
Ha rumaysanina dacaayadaha EU
Waxaan dhawaan ka mid ahaa tijaabo (Oxford-AstraZeneca efficacy research trial) ay haayadda caafimaadka u qaabilsan ingiriisku doonaysay inuu ku ogaato wax-tarka talaalka Oxford-AstraZeneca.
Waxay aniga iyo 1000 qof oo aan ka mid ahay ka qaadeen dhiig, waxaanay dhiigaasi u direen shaybaadhka adduunka ugu weyn ee lagu baadho difaaca jidhka (Antibody Laboratory test) oo ku yaalla dalkan ingiriiska.
Dhiiga waxaa nalaga qaaday 22 maalmood ka dib, markii aanu qaadanay tallaalka Oxford-AstraZeneca, natiijadii oo igu soo noqotay ama la isoo celiyay, waxay sheegtay in difaca jidhkaygu sheegayo in 82% ka badan aan ka talaalanahay Coronavirus.
Qoraalka inta danbe ee ay ku leeyahiin (You are not immune) waa iska taxadar, ay uga jeedan raac qawaaniinta bandooda, marka ma khuseeyo tallaalka, ee wuxuu khuseeya qofka Coronavirus ku dhacay ee ka bogsaday.
Eeg waaniga soo lifaaqay
Mohamed hassan DiridhabaMay be an image of text that says 'NHS COVID-19 Notification: Dear Mohammed Hassan Your blood test did detect coronavirus (COVID-19) antibodies. It is a "positive" result, 82.5%. This means it's likely you've had coronavirus before. It does not mean you are immune (protected) from further infection. You might get the virus again or spread it. So, it's important you follow the same guidelines as everyone else, to protect yourself and others from the virus. See https://www.gov.uk/coronavirus for the latest advice. Το find out more about what your result GIF'

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here