Talaal Halistiisa Laga Digay Oo Hargaysa La Keenay?

0

Denmark, Austria, Norway iyo waddamo badan oo ku yaal qaaradda Yurub oo ay ka mid yihiin Talyaaniga, Lugsenbeeg, Ladfiya, Lutwaaniya iyo Ayslaan ayaa hakiyey qaadashada tallaalka la keenayo dhulka Soomaalida ee la yidhaa AstraZeneca, kaddib, markii dad lagu turqay tallaalkaas lagu arkay guntiimooyin kala xidhxidhaya xididdada dhiigga. Waxa kale oo lasoo sheegayaa dad u naf waayey arrinkaas.

Labada dal ee sameeyey tallaalka ‘AstraZeneca’ ee Ingiriiska iyo Swiidhan mooyee, dunida inteeda kale shaki ayaa ay ka muujiyeen tallaalkaas. Koonfur Afrika ayaa hore dalkeeda ugu mamnuucday AstraZeneca. Waxa kale oo warbaahinta ku jirta waddamada la isku yidhaa Midawga Yurub inay u kala dhuumanayaan qaadashada tallaalka ‘Sputnik V’ ee Ruushka.

Wasaaradaha Caafimaadka, haayadaha kale ee ka shaqeeya caafimaadka iyo ummadda Soomaaliyeed guud ahaan, waxa aan usoo jeedinahayaa inay ka taxaddaraan noocyada kala duwan iyo qadashada tallaalka lasoo gelinayo degaanka.

Livemint.com ayaa ka mid ah goobaha aan ka helay wararka la xidhiidha xannibaadda la saaray AstraZeneca – waa nooca tallaalka la keenayo Hargaysa weeye.

Axmed Xiis Dharbaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here