Taayir Duulaya Oo Baabuur Cuskaday + Khasaaraha Uu Sababay

0
191

Dirawal u dhashay dalka Shiinaha ayay Kamaraduhu qabteen iyada oo gaadhigii uu watay uu ku dhacay Taayir ka soo duulay baabuur kale isla markaana xawaare dheer jarayay.

Muuqaalka ayaa muujinaya Baabuurka oo ku safrayay wadada Jingmen City, ee gobolka Hubei oo uu cuskaday taayirkaas oo dusha sare kaga yimid.

Ciidamada booliska ayaa sheegay in Taayirkani uu ka soo duulay baabuur siday xamuul taayiro ah isla markaana aanu ahayn mid habaysan, hasayeeshee ay jireen taayiro aan xidhnayn oo markasta dhulka ku soo dhici kara.

Gaadhiga ayay muraayadu jabtay, sidoo kale waxa dirawalka soo gaadhay dhaawac aan badnayn sida ay ciidamada boolisku sheegeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here