Soomaaliya Oo Mar Kale Ka Hadashay Arrinta DP World

0
810

Dawladda Federaalka Ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay meel wanaagsan U Marayso arrintii ay kaga soo horjeeday Maal Gashiga DP World ay ka wado meelo ka mid ah dhulka Soomaalida.

Baarlamaanka Dawladda Federaalka ee Soomaaliya iyo xukuumadda Wadankaasi ayaa si weyn uga soo horjeedsatay Maalgalinta Dekeda Berbera oo ay somaliland Maamusho, hasayeeshee Xukuumadda Somaliland ayaa cadaysay in aanay waxba ka jirin sheegashadda dawladda Federaalka ee Soomaaliya.

waxa ay somaliland heshiis la gashay Dp World, kaas oo lagu horumarin doono Dekeda Magaaladda Berbera.

Hadaba wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mukhtaar Mahad Daa’uud oo u waramayay warbaahinta xukuumadda Soomaaliya ayaa yidhi  “Markii ugu horreysay ee ay arrintani soo baxday wuxuu Wasiirka wasaaradda aaday Qaahira, jaamacatul Carab ayuu qudbad ka jeediyay fekerka Soomaaliya iyo mabaadii’da Soomaaliyana ayadoo qoraal ah ayuu u gudbiyay arrintaasi way socotaa Dublomaasiyad weeye kama hordhacayo laakiin arrinta Soomaaliya waa lama taabtaan” ayuu yiri wasiir ku xigeenka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here