Soomaaliya Oo Lacago Cusub Oo Ay Soo Daabacanayso Soo Bandhigtay

0
210
-Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay soo bandhigtay Nashqada cusub ee lacagta shilinka Soomaaliga ah ee qorshuhu yahay in la soo daabaco.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Bayle oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa warbaahinta u soo bandhigay nooca lacagta cusub ee dowladdu qorshuhu yahay in ay soo daabacdo.
No automatic alt text available.
Wasiir Beyle ayaa sheegay in lacagtan aan la daabacan karin, isla markaana waa lacag dahabi ah oo ay muuqaalo kala duwan ka muuqdaan. 
Lacagtan ayaa isugu jirta 10,000 iyo 5,000 waxaa la sheegayaa inay jirto tirooyin kale oo ay yeelan doonto.
Dawladihii hore ayaa marar kala duwan ku guul daraystay in ay soo daabacdaan nashqadaha lacogo cusub, hasayeeshee wasiirka maaliyadda soomaaliya ayaa sheegay in ay markan ka go’an tahay.
sidoo kale waxa uu xusay in ay ka fiirsanayaan sidii loo bixin lahaa daynta lagu leeyahay soomaaliya oo aad u badan, waxaanu xusay in ay marka hore qorshaha ugu jirto sidii ay u sixi lahaayeen lacagahaasi iyo waxyaabaha ay ku baxeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here