Soomaaliya Oo Ku Dhawaaqday Qofkii Labaad ee Qaba Cudurka Coronavirus

0

Wasiirka caafimaadka Ee Soomaaliya Drs Fowsiyo Abubakar Nuur ayaa ku dhawaaqday in qofkii labaad laga helay cudurka Carona Virus kaddib markii baadhitaan lagu sameeyay qofkaas.

Fowsiya waxay sheegtay in qofkan laga helay cudurka uu yahay muwaadin Soomaaliyeed oo ka yimid dalka dibaddiisa kaas oo maalmo lagu hayay xarun karantiil.

16-kii bishan ayay aheyd markii dowladda Soomaaliya ay shaacisay in qofkii ugu horreeyay gudaha dalka laga helay fayraska Corona ee caalamka faraha ba’an ku haya.

Wasiirka waxay sidoo kale sheegtay in la karantinimeeyay dad looga shakinsan yahay cudurka kuwaas oo ka yimid dhinaca dalalka Shiinaha iyo Talyaaniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here