Soomaaliya: 16 Sano Ka Cudur Daartay Xil Loo Magacaabay

0
316

Wiil Yar oo 16 sano jir ah oo lagu Magacaabo Feisal Abdullahi Omar  ayaa xukuumadda Hirshabeelle ku diiday xil cusub oo ay u magacawday.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Hirshabeele Maxamed Cali Cabdale ayaa wiilkaasi yar u magacaabay in uu noqdo Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshadda ee Dawlad Goboleedka Hirshabeele.

wiilkan yar ayaa markii ay soo baxday Magacaabistiisu waxa uu ka cudur daartay xilkaasi loo dhiibay, waxaanu sheegay in aanu wakhtigan qaban karin xilkaasi maadaama uu Weli ku guddo jiro waxbarashadiisii, dhinaca kalena uu lafihiisa uga baqayo kooxaha xag jirka ah ee ka dagaalama soomaaliya.

“Weli Waxa aan Ku jiraa Iskuulka Sheekh Xasan Barsane oo ku yaala Magaaladda Jawhar, waxaanan doonayaa in aan iska casilay xilkaasi la ii magacaabay, maxaa yeelay ma maamuli karo.

waxa aan doonayaa in aan si waadax ah u sheego in aanan xilkaasi hadda diyaar u ahayn in aan qabto, waayo aad aragtaa amaanka dalka, waxaanan iminka dhigtaa oo aan ku jiraa dugsiga sare, kaas oo bilo yari iiga hadhsan yihiin wakhtigii aan ku dhamayn lahaa, intaas ka dibna waxa ii qorshaysan in aan tago jaamacad si aan u dhiso mustaqbalkayga” ayuu yidhi wiilkaas oo ka cudur daartay xilka loo dhiibay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here