“Soomaalidu In Ay Kala Go’do Iyo In Ay Midowdo Midna Daacad Kama Aha” Cabdilaahi Xasan Ganay

0

Labaddaa qodob ee ay Somaliand iyo Somalia kala rabaan middina kuma salaysna maxaa dan ah iyo maxaa maanta inoo suurtogal ah.

Somaliland inta ay Soomaaliland dan u aragto waxa ka badan inta ay ficil iyo aargoosi ka tahay. Waxa Hargaysa ka abuuranina intuu Soomaaliland u eeg yahay intuu Isaaq u eeg yahay ayaa 90/100 ka badan. Doorashooyinka fawdada ah ee guusha loo haystaana, arinta waabay sii daadajiyeen, oo waxa ay abuureen in wixii abuurnaa Isaaq usii kala eekaado. Soomaaliland lawada leeyahay haddaad maqasho halkaasay salka ku haysaa. Waxaana loo jeedaa Soomaalilad Isaaq wada leeyahay, waayo waligeed may jirinba Soomaaliland reer Soomaaliland wada leeyihiin.

Maalinta Laasqorey iyo Hargaysi ay si u wada doonaan una wada jeclaadaan jiriraanka Soomaaliland ayay Soomaaliland dhabbi jirtaa. Inta ka horaysa farbaa Ku goddan.

Somalia midnimadu jacayl iyo dan kama aha ee waa qodobka kaliya ee Soomaaliland ku xumayn karto. Jacaylka Soomaaliland looga maarmi waayay Hadduu jiro koonfurbaa laga arki lahaa. Gaalkacayo oo hal magaalo ah ayuu midayn lahaa jacaylka , caqliga, iyo xilkasnimada midnimada lagu rabaa. Maamul goboleeada ayuu midayn lahaa jacaylkaasi.

Iyadoo arimuhu sidaa yihiin, haddana guul waala gaadhi karaa haddii daacadnimo, karti, aqoon, maskaxfurnaan iyo samotalisnimo la hawlgaliyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here