Soo Noqoshadii Xujaajta. W.Q: Maxamed Haaruun

0

Soo noqoshadii waftigii Madaxwayne Xaaji Biixi ee shalay, iyo
hadalkii uu Xaaji Kaahin jeediyay ba waa dhegaystay. Kolka laga
reebo qodobkii ahaa in ay wasiiradii Dawladda Soomaalida isku
salaameen, iskuna sawireen Carafa oo aan run ahayn, inta kale si
habaysan buu Xaaji Maxamed u hadlay, oo wariyayaashii hadalka
kala booby jiray isaga maareeyay. Sidoo kale, hadal ay ka
jeediyeen Jidda oo uu Xaaji Muuse Afkii carabta ku hadlay ayaa aan
isna dhegaystay. Kolka laga reebo in uu Xaaji Muuse adeegsaday,
sidii caadiga u ahayd, tirooyin (statistics) aan sugnayn, sida in
beero falashadu ay guud ahaan 30% kor u kacday intii ay talada
hayeen, khudaarta maalinlaha ahi na ay 80% waddanka gudahiisa
ka timaaddo, inta kale wuu fiicnaa. Ma u ekayn, sida marar badan
dhacda, in uu yahay oday geed hoostii ka sheekaynaaya.
Keliya waxa gef wayn ahayd, in uu Xaaji Muuse Eeraan iyo Turkiga
u haysto in ay carab yihiin. “Khilaafkii wadamada Carbeed, oo
dhinac ay hogaaminayaan Imaaraadka iyo Sucuudigu, dhinaca kale
na Eeraan iyo Turkigu, dhex ma aanu ka ahayn, qolada aanu isku
caqiidada nahay ayaanan raacnay.” Buu si kalsooni leh u yidhi!
Madaxwaynaha waa in loo sheego saddex amuurood, (1), in aanu
dagaalku caqiido ba ku salaysnayn, Maxamuud Xaashi ga uu soo
xigtay ee waagii sidaas yidhi na uu qaldamay, (2), In aanay Turkigu
shiico iyo carab toona ahayn, (3), iyo in aanay dhinacyada is hayaa
taageerada Soomaalilaan ka war qabin, sidaas darted na aanu
godob inna gelinin.
Isku soo wada duub, xajka dunnuubta ayaa la iskaga maydhaa –
Ilaahay xaajiyada ha ka maydho wixii ay dunuub galeen ee ciidaha
ka badnaa oo dhan. 1991 kolkii dalka la soo galay, rag ay
labadoodu u horeeyaan waxa ay abaabuleen dagaalo lagu hoobtay
oo bilaa micne ahaa. Ujeedkoodu waxa uu ahaa in ay curyaamiyaan
dawladdii waagaas oo nimankii hoganka u ahaa, sida
Cabdiraxmaan-tuur iyo Xassan Ciise) ay ku kacsanaayeen, laakiin
waddanka oo dhan ayay curyaamiyeen. Hooyooyin badan oo hal
amaba laba wiil uga soo badbaadeen dagaaladii Maxamed Siyaad
lala galay, ayay goblamiyeen. Dhalintii doonaysay in ay hubka iska
tiiriyaan, ayay ku kalifeen in ay qoriga dib u qataan, oo mid waliba
kii ay shalay wada socdeen uu xabad ku dhufto. Ujeedka u wayn, ee
u wayn, ee waxaasi ay u dhacaayeen waxa uu ahaa keliya siyaasad
iyo is diiddo heer shakhsi amaba shakhsiyaad joogtay, oo aan
sinaba u istaahilin in darted ay hooyooyin u goblamaan. Nimanka ay
xabadda u qaateen, ee ay dartood buuraha u galeen ba waxa la

siiyay wakhti gaaban oo laba sanadood ah, kolka ay dhamadaan na
si bilaa hawl iyo bilaa godob ah ayay xukunka ku raadsan
karaayeen, laakiin sabab ay ka ahayd ba, sidaas ma ay doonaynin.
Waa run, siyaasiyiintu kolka ay hebel is hayaan, ee ay mucaarid ku
yihiin, ma miisamaan khasaaraha ka dhalan kara waxa ay waddaan,
taa waagas ee Xaaji Muuse iyo Xaaji Kaahin, ayaana tusaale fiican u
ah. “Godobtaada meelee intaan, Gacantu kaa boobin.” Waa sababtii
uu Hadraawi u lahaa.
Si kastaba, Xaaji Kaahin waxa waagas loo xil saaray in uu isku
habeeyo ciidamadii kala daadsanaa ee SNM ta oo xoog iyo xoog
bilaa qaab u ahaa, waxa uuna noqday Wasiirkii Difacca ee
xukuumaddii u horaysay. Halkii uu masuuliyadaas culus u istagi
lahaa, ayuu is casilay, oo maleesiyo uu reernimo ku duufsaday
kaxaystay, kuna qanciyay in ay xabadda ridaan, oo sabab iyo sabab
la'aan ba u ridaan. Xaaji Muuse oo aan waagaas xil hayni na, isna
dhankiisa ayuu ka bilaabay. Waagaas xabadaha waxa loo ridi jiray,
hadii xataa aanay sabab cayimani jirin, uGu yaraan in aan loo
malaynin in waddanku amni yahay, kolka wafti ajnabi ahi yimaaddo
na waa uGu sii darnaan jirty. Sidaas buu xaalku ahaa, xumaan
kastaana xumaan kale ayay sii dhashay, maantadan na raadkeedii
waa sii joogaa.
Waa xiligii uu Gaariye (IHUN) isaga oo canaananaaya qoladii
hogaanka haysay, (Cabdiraxman-tuur, Xassan Ciise iyo Xassan
Yoonis), isla markaana tilmaamaaya foolxumada ay geysteen
mucaaridkii hubaysnaa ee Xaaji Muuse iyo Xaaji Kaahin ay
hormuudka u ahaayeen, ee buuraha galay, maansada ku lahaa:
– Odayaashii la doortay;
-Irbad dhuub gelin waaye;
-Iskaa dhaaf wax kaleetoo;
-Amni na noo sugi waaye.
– Wax se aad uga liitta;
-Ilaah bay dili doonee;
-Kuwa buuraha aaday! Ergo, Gaariye.

Mar kale, xujaajta ilaahay cibaadada ha ka aqbalo, dunuubtii oo
dhan na ha ka dhaafo, wa se hadii ay iska helaan geesinimo ay
dadkooda cafis ku waydiistaan, oo hooyooyinkii ay wiilashooda kaga
gumaadeen dagaaladii bilaa micnaha ahaa, ee laga fursan
karaayay, si daacadnimo leh ula hadlaan. Waa kaas hadalku.

M. Haaruun – mbiixi@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here