Somaliland iyo Ethiopia Oo Heshiis Dhinaca Tamarta Ah Isla Meel Dhigay

0

Wakaalada quwada korontada dalka itoobiya ayaa sheegtay inay shanti 5 bilood ee lasoodhaafay (Sane 2010 – Diqimti 2011 TI) ay kasoo xaraysay 28,414,752 dollar laydhaka ay ka iibisay wadamada Jabuuti ($17,501,484 ama 61.59%) iyo Sudan ($10,913,259 ama 38.41%).Image may contain: 2 people, people sitting

Shirkada laydhka ayaa sheegtay inay cel-celis sanadkiiba ka iibiso Jabuuti iyo Sudan 150 Megga Watt koronto kor udhaafaysa. Halka sanad miisaaniyadeedkii 2010 ka TI ay kasoo xaraysay 75 million dollar iibinta quwada korontada.

Wadanka itoobiya oo leh khayraad mug’wayn oo laga dhalinkaro tamarta quwada korontada bilaa nusqaanta, ayaa kutalajirta siday ugu qaybinlahayd/ugu iibgaynlahayd tamarta quwada korontada wadamo badan oo African ah. Waxaa hada socda mashruuca dhismaha xadhkaha korantada gudbiya ooy awoodoodu tahay 500 killo volt oo uqaadaya laydhka wadanka Kenya.

Itoobiya ayaa heshiis ganacsi oo quwada korontada ah lagalaysa xili aan fogayn wadamo dhawr ah oo ay kow katahay Somaliland iyo wadamada; Kenya, south sudan & Tanzania. Waana si la isuguxidho ganacsiga wadamada bariga Africa.Image may contain: sky, cloud and outdoor

Arintan ayaa tilmaamaysa inay itoobiya si toos ah ula macaamilayso Somaliland taasoo hada kahorba lagu eedeeyay heshiiskii sadex geesoodka ahaa (Somaliland, Ethiopia iyo shirkada lagaleeyahay isutaga imaaraadka carabta ee DP Wall) ee dakada Barbara.Image may contain: cloud, sky and outdoor

Ma lagayaabaa arintani inay sababto mooshin labaad ooy baarlamaanka dawlada Somalia ka keento madaxwayne Mohamed C/laahi Farmaajo marka ay maqlaan/helaan xogtan? Waan u joogi doonaa hadii eebe raali kanoqdo.Image may contain: sky, cloud and outdoor

Xogtan waxaan kasoo xigana wakaalada quwada korontada dalka itoobiya

SDM
Jigjiga DDS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here