Sidii Ay Kutimi Xornimadii Somaliland Ee 26-kii June 1960-kii Iyo 59 Sano Kadib Halkay Ku Dambeysay. W/q: Hamse Bashe Wiyeer-yare

0

Sidii Ay Kutimi Xornimadii Somaliland Ee 26-kii June 1960-kii Iyo 59 Sano Kadib Halkay Ku Dambeysay. W/q: Hamse Bashe Wiyeer-yare

Calankaannu sugaynaye , Sahankiisa ahaynow
Seermaweydo hillaacdayow, Sagal maanta darroorayoo
Siigadii naga maydhayow, Saq dhexaannu ahayne
Kii soo saaray cadceeddow,  Samada kii u ekaaye
xiddigaa mid la siiyayow, Saaxirkii kala guurraye aha

Sarreeyow ma-nusqaamow An siduu yahay eegno e
Kaana siib Kanna saar
Abwaan cabdilahi suldaan – 26kii june 1960kii

Taariikh ahaan waxay ku beegnayd 1884kii markii Guumeystayaashii reer galbeedku usoo kala tartameen qabsashada Dhulkii Soomaalidu deganayd oo ay Somaliland-na kamid ahayd, Somaliland oo kutaalay bogcad aad muhiim ugu ah isku xidhka caalamka, sidoo kalena leh Khayraad dabiici ah oo aad u faro-badan.

Dhamaadkii qarnigii 19aad waxay Somaliland u ahayd wakhti ay la kulantay isbedelo taariikhi ah, waana xiligii Nin cadaan ah oo kasocoday Dawladii Ingiriisku uu kormeer kusoo maray deegaanada Somaliland, waana xiligii dadka Somaliland (Oday dhaqameedyo) ay heshiis taarikh ah la galeen Guumaystihii Ingiriiska, heshiiskaad dadka Somaliland ay ku ilaalinayeen diintooda iyo dalkooda, waxaanu heshiiskaasi ahaa mid Somaliland taariikhada u galay oo ay kaga duwaneyd Qaarada inteeda kale ee uu guumaystuhu qoriga caaradiisa ku qabsaday.

Qodobadii Lugu Heshiiyey:

  1. In aan Saraakiil mooyaane aanu Askari u dhashay Dalka Ingiriisku aanu iman karin dhulka Somaliland, taas badelkeedana uu Ingiriisku Askarta ka qorto dadka reer Somaliland.
  2. In Xaasaska saraakiisha Ingiriisku aanay ku dhali karin meel kamid ah dhulka Somaliland, taas oo macnaheedu ahaa in Dalka laga saaro marka ay gaadhaan xiliga dhalmada.

 

  1. In aanu Ingiriisku dalka ka dhisi karin Kiniisado ama Dugsiyo lugu barto Afkiisa, taas oo looga jeeday in la ilaaliyo dhaqanka suuban ee diinta Islaamka iyo afka hooyo ee ay umadu leedahay.
  2. In boqortooyada Ingiriisku aanay lacankeeda ku dul taagin meel kamid ah dhulka Somaliland ee ay ka taagaan meel ka sareysa ciida, si aanu Ingiriisku iskugu arkin in uu leeyahay dhulka Somaliland.
  3. Waxa kale oo kamid ahaa in aanu Ingiriisku ku wareejin karin dhulka Somaliland dawlad kale oo shisheeye.

Bilawgii qarnigii 20aad waxaa dhulka Somaliland ka bilaamay halgan xornimo-doon ah oo ay horkacayeen ciidamadii Daraawiishta oo uu hogaaminaayey AHN Sayid Maxamed Cabdale Xasan, ciidamadaas oo ay xarun u ahayd magaalada Taleex, 21-tan sano kadib markii uu socoday halgankii daraawiishutu ayaa ugu dambeyntii la jabiyey ciidankii Daraawiishta, kadib markii diyaaradihii ugu horeeyey ee yimaada qaarada Afrika ay dulaan iyo duqaymo ku qaadeen xaruntii halgamayaasha ee taleex, iyagoo dhulka dhigay qalcadihii waaweynaa ee looga telin jiray halgamayaashii Daraawiishta. Sayidka oo gabay ku sifaynaaya duulaankaas diyaarada ayaa waxa kamid ahaa gabaygaas “Coomaado duulayey Cadan ka keeneen, Cirka iyo dhulkaa isqabsaday cararaqdoodiiye”.

Halgankii daraawishu muu noqon mid ku joogsada duqaymihii diyaaradaha, ee waxay firdhadkii ku galeen dhulkii looyaqaanay Soomaali galbeed halkaas oo ay kasii wadeen halgamo iyo abaabulo hoose oo aakhirkiina soogaadhey Somaliland.

Sanadkii 1957kii waxaa la aasaasay Goleh Dad Somalilander ah iyo Xubno Ingiriis ah iskugu jiray, wuxuuna ahaa goole metalaaya Somaliland, golahan ayaa ahaa mid go’aaminaaya sharciga, Madaxdii Ingiriiska ee golahaas kujiray iyo odayaal dhaqameed Somaliland ah ayaa xiligaas socodaal kutegay dalal badan oo Yurub iyo afrika katirsan, markii ay xubnahaasi kusoo noqodeen Somaliland waxaa si xoogleh u bilaamay halgankii xornimo-doonka iyada oo si toos ah dadka Somaliland Ingiriiska ku amrayeen in ay xoriyadooda siiyaan, si xaalada kacsan ee shacabka loo dejiyo ayuu Ingiriisku gudaha Somaliland ku qabtay doorasho ay ku tartamayeen Xisbiyo badan taas oo qayb ka ahayd sidii Madaxtinimada qayb looga siin lahaa Bulshadii dalka lahayd ee reer Somaliland.

26kii June 1960kii ayey Somaliland si buuxda xoriyadeedii uga heshay Boqortooyadii Ingiriiska iyada oo aqoonsi buuxda ka heshay dalalkii joogtada ku ahaa Golaha Amaanka sida Faransiiska, Shiinaha, Maraykanka, Ingiriiska iyo Midawgii Soofiyatiga, halka sidoo kale ay Somaliland aqoonsadeen dalal ay kamid ahayd Jamhuuriyada Carabta ee Masar, Munaasibado waaweyn oo xornimada loogu debaal degaayana waxaa lugu qabtay guud ahaan Somaaliland.

Abaaro 6dii markay saacadu ahayd 26kii june ayaa calankii Ingiriiska laga dejiyey goob munaasibada xoriyadu ka dhacaysay oo kutaala gudaha magaalda Hargeysa, munasibadaas waxaa goobjoog ahaa Madax aad u tiro badan oo Boqortooyadii Ingiriiska ka socoday oo uu hogaaminayey Badhasaabkii Ingiriiska u fadhiyey Somaliland, sidoo kale waxaa goobtaas buux dhaafiyey dadweyne xamaasad iyo jibo haysay oo mar uun sugaayey in ay arkaan calanka Ingiriiska oo la dejinaayo, Munasibadaas waxay ciidankii Ingiriisku ka rideen madaafiic ay kaga qayb qaadanayaan xorniyada ay Somaliland heshay, Badhasaabkii Ingiriiskuna waxa uu goobtaas ka akhriyey khudbad Amaan iyo xil-wareejin iskugu jirta oo uu kusii sabootinaayey Dadkii iyo Dhulkii mudada badan ay xukumayeen, Sidoo kale waxa goobtaas ay abwaano Somaliland ah (Cabdilaahi Suldaan Timacade, Abwaan Cabdi Iidaan Faarax) kusoo bandhigeen Gabayo iyo geeraaro taariikhda galay oo ay kaga qayb qaadanayeen xuskaas iyo munaasibadaas aadka qiimaha ugu dhex lahayd dadka Somaliland, Abaaro 12kii markay saacadu ahaydna waxay dadkii iskusoo baxay oo xoonsani isku soo shubeen Beerta xoriyada Hargeysa si ay mar uun indhaha uga qaadaan calanka la saarayo ee bedelay kii laga dejiyey ee Ingiriiska.

Hadii aan intaas kagasoo gudbo sidii xoriyadu kutimi iyo dedaalkii loo maray, aynu eegno 59 sano kadib maanta oo kale. Somaliland oo xor ahayd 59 sanadood ayaan weli wax aqoonsi ah ka heli caalamka, inkasta oo aynu soo tilmaamnay in maalintii xornimada ay Somaliland aqoonsadeen wadamo waaweyn caalamka kamid ahi ahadan sababo jiray awgeed aqoonsigaasi muu noqon mid sii waara.

Xukumadihii ugu horeeyey ee Somaliland soo maraa waxay sanad kasta 26ka June qaban jireen munaasibado waaweyn oo lugu xusaayo maalintaas qiimaha uleh shacabka Somaliland iyo guud ahaan Soomaalida, laakiin sanadadii ugu dambeeyey xuska 26ka June waxay u muuqatay mid meesha kasii baxaysa iyada oo iyada badalkeedii la xusaayey oo la weyneeyey 18ka May,Hadaba shacabka Somaliland miyey ilaaween maalintaas qiimaha badan?, libin iyo guul ay Soomaali oodhan usoo xareeyeen maxaa ka dhigay maanta mid ay ka gacan madhanyihiin?, Maxaa ka dhigay 26ka June in ay kusii hadho oo keliya afka iyo hadal hayn?, Jawaabaha su’aalahani waakuwo guud ahaan sugaaya Shacabka Somaliland.

 

 

Lasoco Qaybta Xoriyadii luntay 4 cisho kadib

Wa-bilaahi Tawfiiq

Saxafi /Qoraa Madax banaan.

Mr.Hamse Bashe (Wiyeer-yare)

E-mail: Xamse18@gmail.com

Www.facebook.com/wiyeeer

Www.wiyeeryare.blogspot.com

Hargeysa/Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here