Sidee Loogu Kala Guulaystay Doorashooyinkii Ka Dhacay Wadanka Ingiriiska

0

Ra’iisul wasaaraha Britain Boris Johnson iyo xisbigiisa Conservative-ka ayaa ku guuleystay inta badan 650-ka kursi ee baarlamanka dalkaas.

Ayada oo waxyar mooyee dhammaan natiijada kuraasta shaaca laga qaaday, ayaa xisbiga ra’iisul wasaare Boris Johnson waxa uu xaqiijiyey 364 kursi, taasi oo ah guushii ugu weyneyd ee xisbigu gaadho tan iyo xilliyadii ra’iisul wasaare Margaret Thatcher ee sidaatamaadkii.

Guusha xisbiga Conservative-ka ee doorashadan lasoo hormariyey ayaa xal muddo la sugayey u heli doonta ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub, oo cod-bixiyayaasha ay ku ansixiyeen afti sanadii 2016.

Isaga oo cambaareynaya saddex sano oo ahaa is-marin waa siyaasadeed oo ka dhashay Brexit, ayaa Johnson waxa uu khdibaddiisii guusha wacad ku maray inuu soo geba-gebeyn doono ka bixitaanka Britain ee Yurub 31-ka bisha Janaayo ee soo socota.

Rai’sul wasaaraha ayaa sheegay in guushan ay siinayso fursad “uu ku hirgaliyo ka bixitaanka Britain ee midowga Yurub ” islamarkana uu UK ka saaro Yurub.

Dhinaca kale, xisbiga ugu weyn mucaaradka ee Labour-ka ayaa waxaa asiibay guul-darradii ugu xumeyd ee doorashada tan iyo ka hor dagaalkii labaad ee adduunka, taasi oo ku qasabtay hoggaamiyahooda Jeremy Corbyn inuu ku dhowaaqo qorshe uu uga tagayo hoggaanka.

Jeremy Corbyn ayaa dhankiisa sheegay in ay u tahay “habeen aad uu u niyad jabay “islamarkana uusan u tartami doonin mustaqbalka doorashooyiinka soo socda.

Xisbiga muxaafidka ayaa heli doona 364 xildhibaan, halka xisbiga shaqaalaha ay ku guuleysteen kuraas dhan 203,SNP 55, Liberal democrats 13, Plaid Cymru afar iyo Greens oo hal kursi ah.

Arrintan ayaa waxay micnaheedu tahay in xisbiga muxaafidka ay aqlabiyadii ugu balaarnayd ku yeelan doonaan baarlamaanka tan iyo 1987 oo Margaret Thatcher ay aqlabiyad la mi ah heshay.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here