Sicir Bararka: Madaxweyne, Bun iyo U Samee Salool, Malaha Saar Baa Hayee!

0
408

Xukuumadda Uu Hogaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa sanadkii hore Dabayaaqadiisii Xukunkii Kala Wareegtay Xukuumadii Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Ka dib markii uu ku guulaystay doorashadii wadanka ka dhacday.

Xukuumaddaas hore ayaa ka tagtay u Tunno badan oo ay ugu weynayd Arrinta Sicir Bararka, marka la soo labeeyona ay ku jireen shaqo la’aan Baahsan, Ictiraaf la’aan iyo waliba Maamul Xummo Regaadisay.

Sidoo kale Dadka Dhaliila Xukuumaddaas hore ayaa isku raacsan in uu jiray is dhexyaac dhinaca maamulka ah.

Hadaba in kasta oo ay xukuumaddii hore soo saartay Go’aamo ay ku suullinayso sicir bararka, hadana ma noqonin kuwo taabbo galay, hasayeeshee mar kale ayuu sicirku cirka isku sii shareeray.

Sida aan xagga sare ku soo sheegayna Sicir bararkii dalka ka jiray waxa uu qayb ka ahaa Xil Wareejintii dalka ka qabsoontay, Madaxweyne Muuse Biixina Aqbal.

Maalmo uun ka dib markii uu sicirkii halkii hore ka soo deggi waayay, korna uu u sii kacayay ayuu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Guddi Wasiiro ah u saaray la dagaalanka sicir bararka, waxaanay soo saareen go’aamo aan wax badan dhaamin kuwii Madaxweynihii hore, hasayeeshee ay ku filiyeen wakhtigii loogu talo galay.

Go’aamaddan ayaa si dhab ah u taabtay Shirkaddaha Telesom iyo Dahabshiil oo kala isticmaala Addegyadda ZAAD Iyo E-dahab, waxaana lagu amray in ay hir geliyaan in $100 wixii ka yar ay ka saaraan addegyadooda.

Waxaana guddidaasi ay ku taliyeen in shirkaddahani ay ka shaqeeyaan sidii kor loogu qaadi lahaa lacagta Somaliland.

In kasta oo ay marka hore ku adkaatay shirkadaha laftooda go’aankaasi, aakhirkii waxa uu u noqday mid ay u hogaansameen, sidaas ayaanay ku hir Geliyeen go’aamadii xukuumaddu kula dagaalamaysay sicir bararka.

Addeegyaddan ay abaartay Xukuummada Kulmiye ee ay kula dagaalamaysay Sicir bararka ka jira waddanka ayaa hadda la ogaaday in aanu ahayn mid marka horeba sabab u ahaa kor u kaca shillinka Somaliland, hasayeeshee waxa dadka dhaqaalaha lafo guraa ay cadeeyeen in awooda luntay Ee Baanka Dhexe ay sabab u tahay Gedgedoonka Qiimo dhaca shillinka Somaliland iyo kor u kaca sarrifka Dollarka.

Isla dadkaasi iyagu dhaqaalaha Wax ka yaqaana ayaa geesta kale Duray Gudidii uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u saaray La dagaalanka Sicir bararka, waxaanay cadeeyeen in marka ay dhaqaale taagan tahay aanay xalka keeni Karin Gadhcadaadigu iyaga oo ula jeeda wasiiradda, hasayeeshee ay haboonayd in la soo xulo khubaro ku xeel dheer dhaqaalaha.

Si kasta oo ay ahaataba Weli Maaro looma helin arrinta sicir bararka, waxaanu taagan yahay meel sarre iyada oo ay saamayn ku yeelatay dadka danyarta ah ee ku nool Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi oo arrintaasi kaga hadlay waraysi ay la yeelatay Universaltv waxa uu cadeeyay in aan weli la gaadhin sidii loo suullin lahaa sicir bararka, loona baahan yahay dhaqaale badan oo lagu xoojiyo baanka dhexe si uu isna cagihiisa isugu taago, sicirka suuqana uu jaangoyn lahaa.

Hadaba iyada oo ay jiraan talaabooyinkaasi iyo farsamooyinka wax lagaga qabanayo sicir bararka ayaanu halkiisii ka soo degin, waxaana la wada dhawryay go’aamo kale oo uu madaxweyne Muuse iyo xukuumadiisu wax kaga qaban karaan sicir bararka.

Iyada oo go’aamadaasi ay ummada reer Somaliland sugaysay ayuu  Shalayna Madaxweyne Muuse Biixi ayaa wareegto uu saaray waxa uu xilalkii ay qaranka u hayeen kaga xayuubiyay Guddoomiyihii Baanka Dhexe iyo Agaasimihiisii, isaga oo Bedelkoodiina isla markiiba magacaabay.

Hadaba miyaanu xaalku noqonayn midhihii ku jiray heestii Uu Dhawaan Qaaday Fanaanka Axmed Aarshe ee ‘Saar’ oo odhanaysay.

 “Sidaynu Ahayn Shalay

Sammaantiyo Wannaagii

Sagsaag galay baa jiree

Maxaa Saxmi la’ ee khaldamay

Jacaylkeenii Sammaa

Baryahan Wuu Suuxsanyee

Buniyo u sammee Sallool

Malaha Saarbaa Hayee”

 

Najax Aadan Cunaaye

Hadhwanaagnews/Office

Hargeysa/Somaliland

Najaxcunaaye@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here