Shucayb Yare Oo Caawa Xabsiga Loo Taxaabay

0

Ciidamada Booliiska Soomaaliland ayaa La Sheegay in ay Goor dhaweyd Xabsiga U Taxaabeen Shucayb Yare Oo ka mid ah Majaajileysteyaasha Iyo Maanso Yahanada Yaryar ee ku soo Biiray Bahda Suugaanta.
Xadhiga Shucayb Yare Waxa Waxa Xaqiijiyay Suxufi Cabdiqani Kaarshe Oo ay meel Wada Joogeen Waxaanu yidhi “Abwaan shucayb yare Oo Dhawaan maanso baraha bulshada ku faaftay tiriyay ayaa hada guri Aanu kaga sugnayn magaalada hargeysa ciidanka qaranku nooga yimaadeen Oo ka kaxeeyeen saldhigana u taxaabeen Se wax dhiba uumay geysan insha allah inuu xoriyadiisa helo ayaan rajaynayaa”
Shucayb Yare ayaa Xadhigiisa Loo Dacal Saarayaa In uu ka Dambeeyay ka dib markii uu gabay ku dhaliilay Hogaaminta Madaxweynaha Somaliland.

Xukuumada Somaliland iyo Ciidamada Booliiska ayaanu Midkoodna Wali Faahfaahin ka bixinin Xadhiga Shucayb Yare, In kasta Oo ay Goor dambe Tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here