Shirkadda SOM POWER Oo Dirays U Qaybisay Xulalka Kubbadda Cagta, Kolayga iyo Orodka Ee Gobolka Hawd

0

Shirkadda Adeega Laydhka Bixisa Ee SOM Power ayaa hadhimo sharaf Magaaladda Hargeysa ugu samaysay Xulalka Kala gedisan Gobolka Hawd Ku Meteli doonaa tartanada Kubbada Cagta, Gacanta iyo Orodada.

Hadhimo sharaftan ayaa waxa ka soo qayb galay wasiiro,  maamulka Gobolka Hawd, Masuuliyiinta Som Power, Xubno ka socday xisbiyadda mucaaradka ah, ciyaaryahanada iyo marti sharaf kale.

Madaxa iibka iyo suuq geynta ee shirkadda SOM Power Prof Mustafe Maxmaed Cabdilaahi oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Waxa ay shirkadda SOMPOWER ka qayb qaadanaysaa horumarka Somaliland, waxaanay doorakan xidhiidh la samaysay Xulka Kubbada Cagta ee Gobolka Hawd oo aanu ka caawin doono dirayska ay ku ciyaarayaan Xualka Kubbada Cagta, Orodada iyo Kubbada Kolaygu.

Sidoo kale shirkaddu waxa ay iyagana dirays ugu talo gashay Taageereyaasha Xulalkaasi” ayuu yidhi Mustafe Al Khaliili.

Axmed Ibraahim Suldaan Ka mid ah Masuuliyiinta shirkadda som power ayaa isna sheegay in aanay shirkaddu ku koobnayn oo Keli ah ciyaaraha, hasayeeshee ay ka qayb qaadato horumarka kale ee dalka ka socda.

Waxa uu tusaale u soo qaatay dhismaha jidka isku xidha Hargeysa iyo Balligubadle oo uu tilmaamay in ay shirkaddu ku leedahay door Muuqda.

Wasiirka Maalgashiga somaliland, Badhasaabka Hawd, Xoghayaha guud ee Xisbiga waddani, Agaasimeyaasha Wasaaraddaha Ganacsiga, Shaqada iyo xubno kale oo halkaasi ka hadlay ayaa ku Bogaadiyay Shirkadda SOM Power dedaalka ay gelinayso dhalinyarada iyo ciyaaraha waxaanay sheegeen in ay arrintaasi farxad gelisay.

Gunaanadkiina waxa ay shirkadda Som Power halkaasi ku guddoonsiisay Xulalka Kubbada Cagta, Kolayga, orodada iyo taageereyaashoodaba dirays dhamaystiran kuwaas oo ku soo labisan doonaan inta uu socdo tartanka ciyaaraha gobolada somaliland oo la filayo in uu maalinta berri ka furmo magaaladda Hargeysa kaas oo ay Kubbada Cagta bilawgaba fooda isku dari doonaan Hawd iyo Buuhoodle

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here