Shirkada Ethiopian Airline Oo 9 Million Oo Geed Beeraysa + Nuxurka Heshiis Ay UN La Gashay

0
568

Qaramada Midoobay iyo shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopian Airline ayaa wada gaadhay heshiis noociisu uu cusub yahay.

Heshiiskan oo ay qalinka ku wada duugeen labada dhinac ayaa qayb ka ah sidii loo heli lahaa fayo qabka deegaanka isla marakaana loo dhirayn lahaa deegaanka.

labada dhinac ayaa isla gaadhay in qof kasta oo raaca diyaarada Ethiopian Airline uu hal geed beero, taas oo looga gol leeyahay sidii loo heli lahaa deegaan wacan.

waxa kale oo ay labada dhinac iska kaashan doonaa tababaro iyo aqoon korodhsiiyo la siin doono shaqaalaha.

maamulka diyaarada Ethiopian Airline ayaa sheegay in ay samayn doonaan wacyi gelin ku saabsan ilaalinta deegaanka, kaas oo wakhtiga lagu guddo jiro duulimaadyadda loo daari doono rakaabka wacyi gelintaasi.

Madaxa Qaramada Midoobay ee dhinaca deegaanka Erik Solheim, oo ka hadlayay heshiiskan ayaa yidhi “Waxa aanu ku faraxsanahay in aanu ku dhawaaqno heshiis noociisu cusub yahay, kaas oo aanu la gaadhnay maamulka shirkada diyaaradaha ee Ethiopia kuna saabsan sidii ay u qaadan lahaayeen masuuliyadda dhiraynta” ayuu yidhi

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here