Sheekh Aadan Sunne Oo Cusbitaal Hargeysa Ku Yaala Lagu Dabiibayo

0

Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame oo ka mid ah culimaa’udiinka Somaliland ayaa maanta markii ugu horeysay la keenay Cusbitaal ku yaala Magaaladda Hargeysa, ka dib markii uu ku soo baxay nabar ka gaadhay Caloosha.

Nabaradan Sheekh Aadan loo dhigay Cusbitaalka ayay eheladiisu sheegeen in ay yihiin kuwo ay soo gaadhsiiyeen Ciidamadda Boolisku.

Ma cada in ay yihiin kuwo ay gaadhsiiyeen laba sano ka hor markii ay ka qabanayeen gurigiisa iyo in ay yihiin kuwo cusub oo ay hadda soo gaadhsiiyeen.

Cusbitaalka Manhal oo lagu dabiibayo ayaan loo ogolayn in lagu booqdo, waxaana ilaalinaya ciidamadda Booliska.

Dhawaan ayay ahayd markii kooxo dhalinyaro ahi dalbadeen in la sii daayo sheikh  Aadan iyo dhalinyaro kale oo xidhan, hasayeeshee ma jirto ilaa iminka wax hadal oo ka soo baxay dhinaca xukuumadda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here