Sheekadda Wiilkii Balwadaha Kaga Dhuumanayay Xeeliga Batalaale

0
Goor casar gaaban ah, waxaan lugaynayay xeebta Batalaale ee Berbera markii aan ku soo baxay wiil dhallinyaro ah oo ku kor fadhiyay dhagax ay biyaha baddu kolba dhirbaaxayeen. Indhihiisa waxa aad moodaysay in sii gelbinayeen cadceedda liiqa sii dhigaysay.
Gadhkiisii uu yara taagayay iyo indhaha araggoodu ku kor fidsanaa biyaha badda xawaasha ahayd, waxa uu ii la muuqday in uu laabtiisa muggeed ka buuxsanayay neecawda badda.
Aniga oo ka xun inaan ka dhabqiyo la-fal-galkiisii dabeecadda ayaan haddana, faduulinimo awgeed, isa soo dul taagay.
Waxaan ku idhi; “Waxa ay u egtahay inaad meel fiican iyo ammin wanaagsan isla heshay; ii sheeg, maxaad dareemaysaa?”
Da’diisu waxa ay ku dhoweyd dhowr iyo labaatan jir, aadna weyd ayuu u ahaa. Waxa uu ii sheegay in uu geerash ka shaqaynayay laba bilood ka hor intii aan laga helin xanuunka qaaxada. Ka dib markii uu isa soo badhay, waxa uu dhakhtarki u xaqiijiyay xanuunki, waxana la faray in uu lix bilood qaato dawada lagula tacaalo qaaxada.
Markan aan la kulmay waxa uu si fiican u dhammaystay laba bilood. Iyada oo ay niyad-dhis iyo dhiirri-gelin iga tahayna waxa aan u sheegay in ay fududdahay in laga boqsado haddii la joogteeyo dawada, laguna lammaaneeyo nasasho iyo cunto dheelli-tiran.
Runtii aad ayuu u niyad wanaagsanaa, waxana uu igu yidhi “ninyahow farsamoyaqaan baan ahay, lacag waa la helaa, se caafimaadka ayaa wax walba ah. Durba dhogor cusub ayaa iga soo baxday; awel se wax yar haddii aan qabto waan hirraagi jiray; wahsi, daal iyo tamar-darro ayaa I barriinsatay.
Maalin kasta halkan baan imaaddaa. Hawada badda ayaan laabta iyo sambabbada u furtaa. Runtiina aniga oo raalli-ahaansho iyo farxad dareemaya ayaan halkan ka noqdaa. Raynrayntuna daaweynta ayay ka badh tahay.
Balwad waa lahaa se iminka waxa ii balwad ah halkan oo aan saaxiibbaday kaga baxsado, maalin walbana ilaa laba saacadood ayaan halkan ku negaadaa.”
Mar baa jirtay qarniyaddi 18aad iyo 19aad oo dalalka reer Yurub agjoogga badda iyo qaadashada neecawda badda loo yiqiin in lagula tacaalo jirrooyin kala duwan – hadday tahay cidhiidhyow (stress) iyo hadday tahay jirrada qaaxada ee wiilkani qabay.
In kasta oo ay ahayd xilliyo aan doorasho kale jirin, isla markaana aan xilligaas la bilaabin farsamaynta dawooyinka jeermiska lagula dagaallamo, haddana ilaa waayadan damabe waxa jira dhakhaatiir badan oo rumaysan in dadka xilliyo fidsan ku qaata badda ay guud ahaan ka caafimaad wacan yihiin kuwa dhiggooda ah ee meelo ka baxsan ku nool. Jabaqda biyaha badda ee ka dhalata mowjadaha is-dhirbaaxaya, iyo raadaynta neecawda baddu waa qaar jidhka iyo maskaxda gelinaya xasillooni.
Waxa Qoray  Bare Sare Axmed Ibraahim Cawaale

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here