Sharciyo La Yaab Leh

0
1. Japan marka aad joogto waxaa ka mamnuuc ah cayilka, qofka cayil zaaid ah lahu arkana wuxuu la kulmi karaa ganaax lacageed ama mid xabsi. Waxa japan ka mamnuuc ah in dumarka dhexdooda marka la cabiro ay ka badato 90cm kana yaraato 35cm halka raga cabirka dhexdooda aysan ka badan karin 85cm ugu badnaan waliba aysan ka yaraan karin 33cm
2. Singapore marka aad joogto way adag tahay in aad dukaamada ka hesho xanjo sababto ah singapore qofka lagu arko xanjo waxaa laga qaadayaa ganaax lacageed oo gaaraya kun dolar sababaha ay u mamnuucen waxa la shega in ay tahay arimo nadaafad iyada oo la xakamayn wayay dadka jidka isaga tufa tas oo ku dhagta marka qof wadada marayay ay ku dhagto
3. Australia waxaa mamnuuc ka ah in afar saac habeenimo wixii ka dambeeya aad musqusha falaashto si ay saxarada gudaha u gasho taas oo ay leeyihin waxaa la ilaalinaya xuquuda dadka dariskaaga ah ee xiligaas hurdaya wa sida ay aaminsan yihiin. Qofkii falaashana ganaax ayuu la kulmi karaa
4. Isla Australia waxaa sidoo kale mamnuuc ah si kasta oo ay korontadu kaaga halaysan tahay in aadan badali karin nalka mid kalana aadan ki xiran karin xita hadii aad taqaan balse waxa kaliya nalkaas badali kara ama xiri kara oo kaliya qofka shahaad ka haysta korontada
5. Thailand waxaa mamnuuc ah in aad ku istaagto lacagta dalkaas xita hadii ay dhulka taal taas oo ay u arkaan in aad xushmad darro u gaysatay lacagta iyo boqorka dalkaas oo ku sawiran lacagta waxaana qofka lagu arko uu la kulmaa xarig iyo ganaax lacageed
6. San Francisco Amerika: Magaaladaan waxaa mamnuuc ka ah in aad quudiso qooleyda iyo shimbiraha taas oo aad ku mutaysan karo ganaax iyada oo ay leeyihiin qooleydu waxay ka qayb qadata nadaafad darada sababaha loo mamnuucay waxa ugu horeya in qooleydu ay dad badan oo wadada iska maraya ayagoo labisan ay kusoo dul saxarootay
Comment ahaan iigu reeb Qodobada kuugu yaabka badan.
MAHADSANID
Source: Dr Salad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here