Sharaxii La Tumaayay Sheekaa Ka Dambaysay!

0

Cudurka CARONAVIRUS PANDEMIC, Xiisadaha XUDUUDDA labada dal ee SOUTH KOREA iyo NORTH KOREA iyo Dagaal Xudduudeedka ka dhex qarxay labda dal ee CHINA iyo INDIA, waxay dhammaantood SALKA ku hayaan dagaalka DHAQAALAHA ee u dhaxeeya USA iyo CHINA.

Dagaalka 3-aad ee DUNIDA wuxuu dagaalladii 1-aad iyo 2-aad kaga duwan yahay waa mid salka ku haya cidda hoggaanka u noqonaysa loogana dambaynayo maamulidda dhaqaalaha DUNIDA.

Isbahaysiga ay hoggaaminayaan CHINA iyo RUUSHKA ayna ka mid yihiin dalal u badan LATIN AMERICA sida BARAZIL, VENEZUWELA iyo TURKEY oo sanadihii ugu dambeeyay saaxiib la noqday isbahaysigan IYO Isbahaysiga uu hoggaamiyo MARAYKANKA oo u badan dalalka Reer Galbeedka iyo dalal badan oo CARAB ah waxaa sii xoogaysnayay dagaalka DHAQAALAHA ee u dhaxeeya labadaas isbahaysi.

Waxaa xusid mudan Dalka INDIA oo siyaasaddiisu u ekayd mid dhexdhexaad ka ah labadan isbahaysi balse u janjeeray dhanka CHINA iyo RUUSHKA in dadaal ay dowladda MARAYKANKA ku bixisay ay ku wada heshiiyeen in dhabarka laga jebiyo dhaqaalaha sida xad dhaafka ah u koraya ee dalka SHIINAHA, dagaalkan cusub ee ka dhex billowday CHINA iyo INDIA waa billowga heshiiska ay wada gaareen dalalka Maraykanka iyo Hindiya.

Sidoo kale xiisadda ka soo cusboonaatay xuduudda labada KUURIYA waa mid ay CHINA kaga jawaabayso abaabulka Isbahaysiga Maraykanka uu ka wado Xudduuda ay la wadaagto INDIA.

Dalka Maraykanka ayaa toddobaadkan sheegay in ciidan badan oo saldhig weyn ku lahaa dalka GERMANY intooda badan laga soo saari doono.

TURKIGA isaga oo ka faa’iideysanayo xiisaddan cusub ee labada ISBAHAYSI oo uu labadaba xiriir la leeyahay wuxuu dagaal adag ku qaaday JEN. Xaftar-ka LIIBIYA, sidoo kale wuxuu duqaymo cirka ah ka billaabay gudaha dalka CIRAAQ oo uu kula dagaallamayo jabhadda PKK.

Dagaalkii 3-aad ee Dhaqaalaha DUNIDA waxaad ogaataa in qaybtii ugu horreysay ay billaabatay, durbana dal walba oo dunida ka mid ah iyo shakhsi walba waa kaa CARONAVIRUS uu dhaqaalihiisa saameyn weyn oo hoos u dhac ku yeeshay.

Aqristow haddii aan XAL degdeg ah loo helin dagaalkan dhaqaale ee labada ISBAHAYSI markii uu u gudbo qaybtiisa 2-aad maxaa laga filan karaa!?

Maadaama ay Soomaaliya dunida kaga taallo goob istitaatiiji u ah DHAQAALAHA iyo AMNIGA adduunka maxaa la gudboon xilligan, sidee ayayse ku habboon tahay in labadan ISBAHAYSI ee uu dagaalkoodu xoogeyatay ay ula macaamisho!?

Waxay ila tahay in FURSADDII horay loo dayacay ee Soomaaliya soo martay xilligii ay tatanka noocaan oo kale ee u dhaxeeyay labadii Isbahaysi ee NATO iyo WARSOW ay MAANTA mar kale timid!.

SOOMAALIYA SOOMAALI BAA LEH, mar walbana GIRIIR CADDE geed ma saarna’e FURSADDAN mar kale yaan la dayacin.

Illaa iyo hadda waxaa muuqata Siyaasadda xasilloon ee TURKEY in FURSADDAN uu si taxaddar leh ka faa’iideysanayo.

Waxaa ILAAHAY mahaddiis in in KOONKAN uu maamulo ILAAHII sameeyay isagana uu siduu doono ka yeelayo, balse waxaad ogaataa in SHARAXA la tumaayo EE CARONAVIRUS ay SHEEKO ka dambayso!

Abdiaziz Mohamed Hassan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here